3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Oct 15, 2020
Hay'adda Batroolka Soomaaliya oo yeelatay guddi sare oo kala matalidoona dowladda federalka iyo dowlad goboleedyada
 

Khamiis, October 15, 2020 (HOL) - Hay'adda Batroolka Soomaaliya (SPA) ayaa magacowday lix agaasimeyaal madax-bannaan oo ka mid noqon doona boodhka hay’adda.

Agaasimayaasha cusub ayaa kala matalidoona dowlad goboleedyada, gobolka Banaadir iyo dowladda federalka Soomaaliya.

Xubnaha guddiga waxaa ka mid ah Caasho Cismaan Axmed oo ah guddoomiye ku-xigeen, oo mataleysa Maamulka Gobolka Banaadir, Ibraahim Axmed Layte oo matalaya Hirshabeelle, Cabdulqaadir Aadan Maxamuud oo matalaya Galmudug, Ibraahim Cabdulqaadir Maxamed oo matalaya Koonfur Galbeed.

Waxaa sidoo kale ka mid ah Axmed Xaaji Cabdi oo matalaya Dowlad Goboleedka Jubbaland, Cabdixaafid Cali Dirir oo matalaya Somaliland iyo Mahad Maxamed Xasan oo ka socda Dowlada Federaalka.

Gudiga cusub ayaa loo xilsaaray kor u qaadida warshadaha saliida iyo gaaska iyo in ay hubiyaan in sharciyadda horumarinta maaliyaddeed ee lasoo saaray ay la jaanqaadayaan mabaadi'da sinnaanta, furfurnaanta, la xisaabtanka, daah furnaanta iyo takoor la'aanta danaha dadka Soomaaliyeed oo dhan.

Maareeyaha Hay'adda Batroolka Soomaaliya Ibraahim Cali Xuseen ayaa yiri,” "guddigan wuxuu hubin doonaa in dhamaan maamulada xubnaha ka ah ay awoodaan inay gacan ka geystaan qaabeynta horumarka warshadaha ayna soo jiitaan maalgashi caalami ah si loo kordhiyo soo kabashada dhaqaalaha keydka saliida iyo gaaska Soomaalia.”

Si kastaba ha ahaatee, Madaxweyne Maxamed Farmaajo iyo Ra'iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa ansixiyay guddigan oo maamuli doona Hay'adda Batroolka Soomaaliyeed.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]












Click here
10/15/2020 2:30 PM EST
Khamiis, October 15, 2020 (HOL) - Madaxweyne ku xigeenka maamulka Hirshabelle Cali Cabdullahi Xuseen Guudlaawe ayaa maanta dib ugu laabtay magaalada Jowhar ee caasimadda dowlad goboleedka Hirshabelle.

10/15/2020 12:07 PM EST
Khamiis, October 15, 2020 (HOL) - Shirka nabadaynta Adhicadeeye ayaa haatan maraya meel gabagabo ah, kaas oo inta badan lagu dhameeyey dhacdooyin qaarkood ku dhowaad 30 sano taagnaa.

10/15/2020 8:26 AM EST
Khamiis, October 15, 2020 (HOL) - Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa dhagax-dhigay dhismaha hay'adda gurmadka qaranka oo loogu talagalay in ay daboosho Xaaladaha deg degga ah ee ay keenaan noocyada kala duwan ee masiibooyinka.

10/15/2020 8:12 AM EST
Khamiis, October 15, 2020 (HOL) - Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Qaramada Midoobay ayaa maanta wada saxiixday heshiis iskaashi oo cusub, kaas oo hagi doona sida dalka iyo Qaramada Midoobay ay u wada shaqayn doonaan shanta sano ee soo socota si dhammaan dadka Soomaaliyeed ay u gaaraan nabad, xasillooni iyo barwaaqo.

10/15/2020 2:16 AM EST
Khamiis, October 15, 2020 (HOL) - Taliska ciidanka Mareykanka ee Afrika ayaa si deg deg ah uga digay halista ka bixitaanka Soomaaliya kadib markii ay soo baxeen warar sheegaya in Trump uu raadinayo dhimista ciidamada Mareykanka ee ku sugan Soomaaliya.