3/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Oct 13, 2020
Natiijo kasoo baxday Baaritaan labaad oo la marsiiyay maydka marxuum Cali Khaliif
 

Talaado, October 13, 2020 (HOL) - Baaritaankii labaad oo lagu sameeyay maydkii AUN Cali Khaliif Galaydh, ka hor inta aan la aasin ayaa la shaaciyay inuu qabo cudurka Covdi19, taasoo meesha ka saartay shaki horey loo qabay.

Maryam Cabdi Biixi oo ahayd xaaska Cali Khaliif iyo madax dhaqameedyo uu kamid yahay garaadka guud ee beelaha SSC, ayaa sheegay in ay ku qanceen najiitada baadhitaanka, kadib markii ay horey u dalbadeen in baaritaan labaad la marsiiyo.

Qoyska Marxuumka ayaa dalbaday in la joojiyo wararka ay ku tilmaameen been abuurka oo sheegaya in marxuunku uu u geeriyooday sabab kale.

Cali Khaliif ayaa sideedii bishaan ku geeriyooday magaalada Jigjiga, geeridiisa oo lama filaan ahayd ayaa keentay shaki weyn oo ku saabsan in la sumeeyay.

Marxuumka ayaa aas qaran loogu sameeyay magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya, halkaas oo eheladiisu codsadeen in lagu aaso.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]












Click here
10/13/2020 9:25 AM EST
Talaado, October 13, 2020 (HOL) -Deeqow Caliyow Kuusoow oo katirsanaa Alshabab ayaa maanta lagu xukumay xukun dil toogasho ah oo uu ku mutaystay kaalintii uu ka qaatay weerarkii sanadkii hore lagu qaaday hotel Cascasey ee magaalada Kismaayo, halkaas oo lagu dilay 26 qof oo u badnaa shacab.

10/13/2020 7:06 AM EST
Talaado, October 13, 2020 (HOL) - Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa guddoomiyey shir looga hadlayay habsami-u-socodka hannaanka doorashooyinka iyo dhameystirka dib-u-eegista dastuurka.

10/13/2020 5:41 AM EST
Talaado, October 13, 2020 (HOL) - Inta la xaqiijiyay 2 qof oo shacab ayaa ku geeriyootay tiro kalana way ku dhaawacmeen kadib markii rag hubeysan ay rasaas ooda kaga qadeen gaari rakaab ah ay saarnayeen.

10/13/2020 1:20 AM EST
Talaado, October 13, 2020 (HOL) - Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa kulan tacsi ah la qaatay ehelada iyo qoyska Ra’iisul Wasaarihii Hore ee dalka Marxuum Cali Khaliif Galeydh ee ka soo qeyb galay Aaskii-qaran ee loogu sameeyey Muqdisho.

10/13/2020 1:16 AM EST
Talaado, October 13, 2020 (HOL) - Musharrixiinta doorashada baarlamaanka Uganda ayaa la faray inay illaa Khamiista bixiyaan khidmadda lacageed ee murashaxnimadooda oo dhan $800, sida uu sheegay Guddiga Doorashooyinka.