4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Oct 11, 2020
Shiikh Cismaan Barre “Ma jirto doorasho dib loo dhigayo, kuraasta Hirshabeelle-na waa mid furan oo loo wada tartamayo”
 

Axad, October 11, 2020 (HOL) - Gudduumiyaha Baarlamanka Maamulka Hirshabeelle Shiikh Cismaan Barre Maxamed ayaa waxa uu sheegay in doorashada maamulka ay ku dhaceyso wakhtigeeda, islamarkaana cid walba oo Dowlad Goboleedkaas kasoo jeeddo ay u tartami karto kuraasta ugu sarreysa.

Waxa uu sidoo kale hay’adaha fulinta uga digay iney is hortaag ku sameeyaan guddiga farsamada ee soo xulista xilibaannada Baarlamanka 2-aad ee Maamulka, isagoo tilmaamay iney hayaan shaqo muhiim ah , sida uu hadalka u dhigay.

“Waxaan uga digeynaa hay’adaha fulinta iney fara-geliyaan Guddiga” ayuu yiri Cismaan Barre u sheegay warbaahinta.

Dhinaca kale , waxa uu tilmaamay in aan la aqbali doonin in dib loo dhigo wakhtiga  doorashada.

“Ma aqbali doonno in wakhtiga doorashada dib loo dhigo, waxaan ku hadleyno waa mas’uuliyad, Baarlaman waxaa bedli doono mid kale oo lasoo magacaabay, waxaana saxiixa ugu dembeeya leh duubka beeshiisa” ayuu hadalkiisa ku daray Guddoomiyaha Baarlamanka Hirshabeelle.

Khilaaf xooggan ayaa u dhexeeya madaxda saree e Hirshabeelle, xilli dhowaan lagu wado in maamulka ay ka dhacdo doorashada balse waxaa la isku fahmi la’yahay hannaan qeybsiga kuraasta ugu sarreyso oo uu muran ka taaganyahay.

Abdiaziz Ahmed Barrow, Hiiraan Online
[email protected]