4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Nov 6 , 2020
Wararkii ugu danbeeyay dagaalka gobolka Galguduud iyo saraakiisha dowladda oo guulo sheegtay

 

Jimco, November,  06, 2020 (HOL)- Faah faahin dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dagaal culus oo qeybo ka mid ah gobolka Galguduud gaar ahaan deegaanka Bulacle ku dhaxmaraya ciidamo ka tirsan kuwa Dowladda Soomaaliya iyo Xoogagga Ururka Al-shabaab.

Wararku waxaa ay sheegayaan in dagaalkani qarxay kaddib markii ciidamada dowladda Soomaaliya howlgalo ka bilaabeen deegaanno ay gacanta ku hayaan Ururka Al-shabaab.

Dad ku sugan halka uu dagaalku ka soconaya ayaa warbaahinta u sheegay in wali meelaha qaar laga maqlayo dhawaqa rasaasta labada dhinac isweydaarsanayaan sidoo kalena uu jiro khasaare dhimasho iyo dhaawacba leh oo soo kala gaaray xoogagga iska soo horjeeda.

Saraakiisha ciidamada Dowladda ayaa sheegay in ay la wareegeen  deegaano ay ku sugnaayeen Al-shabaab inta uusan bilaaban dagaalkan, walina ciidamadu ku sii jeedaan sida ay hadalka u dhigeen deegaanno kale.

Howlgaladan ayaa imanaya xili Galmudug isku diyaarineyso doorashada xildhibaannada Golaha Shacabka ee ka soo jeeda gobolka oo loo asteeyay in ay ka dhacdo labo deegaan doorasho uu maamulkaasi ka tirsan.

Cabdiraxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]