4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Nov 6 , 2020
Doorashada natiijadeedu ay mara-ku-dhagta noqotay ee Mareykanka
 

Jimco, November, 06, 2020 (HOL) - Wali waxaa ka socdo qaar ka mid ah gobollada Mareykanka tirinta codadka doorashada madaxtinimo ee 3-dii bishaan November, ka dhacday Ameerika. Taasoo ay ku loolamayaan madaxweynaha mudo xileedkiisu uu dhammaaday Donald Trump oo ka tirsan Xisbiga Jamhuuriga iyo Joe Biden oo horay u ahaa Madaxweyne ku xigeenka Mareykanka, matalaayana Xisbiga Dimuqraadiga.

Doorashadaan oo maalintii afaraad gashay inta la sugaayo natiijadeeda ayaa waxaa lagu kala baxay inta badan gobollada Mareykanka, waxaana haray illaa afar gobol oo kala ah. Pennsylvania, North Caroline, Georgia iyo Nevada oo ku kala yaallo waqooyiga, koonfurta iyo galbeedka Mareykanka.

Sababta keentay in mudo dheer ay qaadato ku dhawaaqista natiijada doorashada ee gobolladaan, ayaa lagu sheegay iney tahay waraaqaha codadka ee lagu soo diray boostada iyo kuwo horay loo sii dhiibtay ee loo yaqaano “codbixinta hore” oo tirintooda ay wali ka socoto.

Xog’hayayaasha guud ee gobollada Pennsylvania iyo Nevada oo goor dhow warbaahinta la hadlay, ayaa cadeeyay in ugu danbeyn dhammaadka usbuucaan ay soo deyn doonaan natiijada kama danbeysata ah ee deegaan doorashadooda.