4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Nov 5 , 2020
Qarax Muqdisho lagula eegtay Wasiirka cusub ee Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Dowladda Soomaaliya

 

Khamiis, November, 05, 2020 (HOL)- Magaalada Muqdisho  goor dhaw waxaa qarax lagula eegtay gaadiid uu la socday Wasiirka cusub ee Wasaarrada Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Dowladda Soomaaliya Duraan Axmed  Faarax.
Qaraxan oo gaar ahaan ka dhacay Aargada  KM4 ayaa dhacay wax yar uun kaddib markii ay gudbeen gaadiidkii uu la socday Wasiirka lamana  oga ilaa iyo hadda khasaaraha ka dhashay Qaraxan.

Muqdisho inta badan waxaa ka dhaca qaraxyada lala eegto saraakiisha  dowladda, waxaana mas'uuliyada qaraxyadan sheegta xarrakada Al-shabaab.

Cabdiraxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]