3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Nov 5 , 2020
Guddoomiyaha Aqalka Sare oo ka soo horjeestay guddiga doorashada heer federaal

 

Khamiis, Novmeber, 05, 2020 (HOL)- Guddoomiyaha Aqalka sare Soomaaliya Cabdi Xaanshi Cabdullaahi  ayaa siweyn uga soo horjeestay guddiga doorashada heer federaal oo ay dowladdu ku dhawaaqday isaga oo eedeyn u jeediyay Ra'iisal Wasaaraha Soomaaliya

Cabdi Xaanshi ayaa ku eedeeyay Ra'iisal Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Xusseen Rooble in uu ka taggay xubnihii gobollada Waqooyi ee loo gudbiyay

''Waxaan cadey-neynaa in  haddii ay ku jiraan liiska uu soo saaray  Ra'iisal Wasaaaha xubno metelaya deegaan doorashooyinkeyga (Dir Waqooyi) in aysan aheyn kuwo aan annagu ka warqabo'' ayuu yiri Cabdi Xaanshi Cabdullaahi.

Dhawaan waxaa magaalada Muqdisho kulan ku yeeshay xubnaha Gobollada Waqooyi ku matala labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya, kuwaa oo ku eedeeyay Guddoomiyaha Aqalka Sare qalqalgalin siyaasadeed iyaga oo sheegay in uusan matalin sida ay hadalka u dhiggeen kuraasta Gobollada Waqooyi. 

Dhinaca Xisbiyada Mucaaradka ayaa ku taageeray Guddoomiyaha Aqalka Sare doodiisa ku saabsan in uu xaq u leeyahay soo magacaabista Guddiga doorashada xubnaha Dowladda ku matalaya Gobollada Waqooyi.

Hoos ka akhriso Qoraalka ka soo baxay Guddoomiyaha Aqalka Sare
 


Cabdiraxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
         

 














Click here
11/5/2020 12:39 PM EST
Khamiis, November, 05, 2020 (HOL)- Magaalada Muqdisho goor dhaw waxaa qarax lagula eegtay gaadiid uu la socday Wasiirka cusub ee Wasaarrada Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Dowladda Soomaaliya Duraan Axmed Faarax.

11/5/2020 10:15 AM EST
Khamiis, November, 05, 2020 (HOL)-Guddoomiyaha Baarlamaanka Dowlad Gobolleedka Hirshabeelle Cabdixakiin Luqmaan Xaaji Maxamed ayaa magaalada Jowhar uga dhawaaqay Guddiga Doorashada madaxweynaha iyo ku-xigeenkiisa ee Dowlad gobolleedka Hirshabeelle.

11/5/2020 8:07 AM EST
Khamiis, November, 05, 2020 (HOL) - Hay’adda INTERSOS oo ah hay'ad ka shaqeysa arrimaha samafalka, ayaa maanta ku dhawaaqday inay xireyso howlgalkeedii Soomaaliya, ka dib 28 sano oo ay ka shaqeynaysay gudaha Soomaaliya.

11/5/2020 3:00 AM EST
Khamiis, November, 05, 2020 (HOL)- Dowladda Itoobiya ayaa ku dhawaaqay xaalad degdeg ah oo lagu soo rogay gobolka Tigray ee Waqooyiga dalkaasi Itoobiya, kaddib markii Ra'iisal Wasaare Abiy Ahmed uu amray ciidanka difaaca Qaranka in ay talaabo malatari ka qaadaan TPLF oo ku eedeysan in ay weerarreen saldhigyo ciidan.

11/5/2020 2:38 AM EST
Khamiis, November, 05, 2020 (HOL) - Qaramada Midoobay iyo maamulka Somaliland ayaa bilaabay wada xaajood ku saabsan shuruudo cusub oo u oggolaanaya UN iyo hay'adaheeda inay si gooni gooni ah ula macaamilaan Somaliland.

11/5/2020 12:51 AM EST
Khamiis, November, 05, 2020 (HOL)- Joe Biden oo ah musharaxa Xisbiga dimuqraadiga ayaa aamisan in uu guuleystay inkastoo wali guud ahaan marka la eego dalka Mareykanka ay socto tirinta codadka la dhiibtay.

11/5/2020 12:23 AM EST
Khamiis, November, 05, 2020 (HOL) -Ra'iisal Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Xusseen Rooble oo kormeeray jidadka magaalada magaalada Muqdisho oo ay xireen biyo ka dhashay roobab lixaad leh oo ka da'ay caasimada.