3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Nov 4 , 2020
Raysal Wasaaraha Soomaaliya oo magacaabay guddiyada doorashooyinka heer federal
 

Arbaco, November, 04, 2020 HOL) - Ra’iisul Wasaaraha xukuumada federalka Soomaaliya, Maxamed Xuseen Rooble ayaa magacaabay Guddiyada Doorashooyinka iyo Xallinta iyo Khilafaadka ee heer Federaal.

Guddiyadan oo ka kooban 25 xubnood oo ah guddiga doorashada iyo 21 xubnood oo ah guddiga xallinta khilaafaadka doorashada ayaa la magacaabay kadib markii dowlad goboleedyadu soo dhameystireen xubnihii u matali lahaa.

Guddiyadan ayaa waxay  maamulidoonaan doorashooyinka xildhibaanada aqalka hoose oo dhawaan ka bilaabandoona dowlad goboleedyada iyo caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho.

Halkaan hoose ka akhriso magacyada guddiyadan.

 
 

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]












Click here
11/4/2020 11:14 AM EST
Arbaco, November, 04, 2020 (HOL) -War Qoraal ah oo ka soo baxay Wasaarrada Arrimaha Gudaha iyo Federaalka Soomaaliya ayaa lagu hambalyeeyay Guddoonka cusub ee Dowlad Gobolleedka Hirshabeelle oo maanta lagu doortay magaalada Jowhar.

11/4/2020 6:29 AM EST
Arbaco, November, 04 2020 (HOL)- Waxaa soo dhamaatay doorashada Guddoomiyaha Baarlamaanka 2aad ee dowlad gobolleedka Hirshabeelle iyadoo Cabdixakiin Luqmaan Xaaji Maxamed loo doortay in uu noqdo guddoomiyaha Baarlamaanka.

11/4/2020 5:53 AM EST
Arbaco, November, 04, 2020 HOL) - Maxkamada darajada koowaad ee magaalada Bosaso ayaa xukun dil ah ku riday labo oo nin dhalinyaro oo kufsi iyo dil magaalada Bosaso ugu geystay gabadh dhalinyaro ah, kuwaas oo laamaha amnigu xalay soo bandhigeen.

11/4/2020 3:36 AM EST
Arbaco, November, 04, 2020 HOL) - Madaxweynaha dalka Maraykanka Donald Trump ayaa ku dhawaaqay inuu ku guulaystay doorashada madaxtinimada ee weli ka socota dalka Maraykanka.

11/4/2020 3:30 AM EST
Arbaco, November, 04, 2020 HOL) - Ilhan Cumar oo ka tirsanayd golaha gongareeska Maraykanka ayaa ku guuleysatay inay difaacato kursigeeda aqalka Koongareeska ee doorashada ka socota Maraykanka.

11/4/2020 2:33 AM EST
Arbaco, November, 04, 2020 HOL) - Dowladda Ghana ayaa Boqol iyo afartan iyo todobo sarkaal oo Boolis ah oo laga soo xulay booliiska gaarka ah ee dalkaas u soo dirtay Soomaaliya, si ay uga mid noqdaan howlgalka Nabad Ilaalinta Midowga Afrika (AMISOM) ee Soomaaliya.

11/4/2020 2:18 AM EST
Arbaco, November, 04, 2020 HOL) - Maxkamadda gobolka Maroodi-jeex ee Somaliland ayaa maanta Cabdimanan Yuusuf oo kamid ah mulkilayaasha Astaan TV, ku xukuntay 5 Sanno oo xarig ah.

11/4/2020 2:00 AM EST
Arbaco, November, 04, 2020 (HOL) - Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed ayaa gaaray goor dhaw magaalada Jowhar oo maanta lagu waddo in ay ka dhacdo doorashada Guddoonka Baarlamaanka Labaad ee dowlad Gobolleedka Hirshabeelle.

11/4/2020 12:21 AM EST
Arbaco, November, 04, 2020 HOL)- Ra'iisal Wasaaraha dalka Itoobiya Abiy Ahmed ayaa amar buuxa ku siiyay ciidamada difaaca Qaranka ee ENDF in ay qaadaan howlgal ka dhan ah Ismaamulka Tigray-ga.

11/4/2020 12:09 AM EST
Arbaco, November, 04, 2020 (HOL)- Amaanka magaalada Jowhar ayaa siweyn loo adkeeyay, iyadoo maanta lagu waddo in ay ka dhacdo doorashada Guddoonka Sare ee Baarlamaanka Labaad ee Dowlad Gobolleedka Hirshabeelle.