4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Nov 3 , 2020
Halkee ayuu ku danbeeyay Khilaafkii awood-qeybsiga doorasho ee Dowlad Gobolleedka Hirshabeelle

 

Talaado, November, 03, 2020 (HOL)- Waxaa maanta ku dhawaaqay is casilaadiisa madaxweynihii Dowlad Gobolleedka Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare  isaga oo qoraal dheer uu soo saaray ku sheegay in shaley iyo maantaba aan  loo marin dhismaha maamulkii uu madaxweynaha ka soo ahaa dariiqii saxda ahaa.

Gaar ahaan marka la eego habka awoodqeybsiga bulshada ku dhaqan labada Gobol Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe oo uu  Waare sheegay in aan lagu sameyn qiimeyn dhab ah waxaana halkaa ka dhashay sida uu hadalka u dhigay maamul aan isku miisaaneyn oo dad badanni dood ka qabaan.

''Labada marba dhismaha maamulkan waxaa lagu soo aadiyay xili uu dalku gallayo marxalad doorasho, taasoo keentay in mar walba lagu dhiso danno siyaasaddeed oo laga leeyahay doorashada guud ee dalka'' ayuu yiri Waare.

Hadalka Waare iyo is casilaadiisa ayaa imanaya xili maalin uun ka hor madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed uu  safar ku taggay magaalada Jowhar waxaana socdaalka Shariif-ka  ka dhashay su'aalo dhowr ah oo ku gadaaman Doorashada Hirshabeelle.

Dad badan ayaa qaba in Shariif Axmed uu  Jowhar  u taggay ugu yaraan in uu  is badal ku sameeyo nidaamka Doorashada si ka duwan sida ay dooneyso madaxtooyada Villa  Soomaaliya, balse wax war ah kama soo bixin kulamadii uu la qaatay Duubabka dhaqanka iyo  madaxweyne ku-xigeenka Hirshabeelle Cali Cabdullaahi Xusseen Cali Guudlaawe oo la leeyahay waa shaqsiga Villa Soomaaliya ay la dooneyso in uu noqdo madaxweynaha Hirshabeelle ee xiliggan.

Waare ayaa dhiniciisa wax lala yaabo ku tilmaamay in hoggaanka Mucaaradka oo intooda badan ka soo jeeda sida uu hadalka u dhiggay Hirshabeelle sheeda kore ka daawanayaa xaalada murugsan  ee maamulkan wajahayo, iyaga oo taa badalkeeda qoraalo is daba- joog ah ka  soo saaraya ayuu yiri  xaalado  siyaasadeed oo ka jira deegaanno kale. 

Maamulkan Hirshabeelle  oo la yagleelay sanadkii 2016kii oo uu dalka madaxweyne ka ahaa Xassan Sheekh Maxamuud  waxaa lagu dhisay is afgarad iyo heshiis leys kula meel dhiggay dhinaca awood-qeybsiga gaar ahaan Kursiga madaxweynaha, ku-xigeenkiisa iyo xarunta Dowlad Gobolleedka oo ay u codeeyeen Xildhibaannada Baarlamaankii kan ka horeeyay.

Heshiiskan oo markii danbe lagu shaaciyay qoraal ka soo baxay Urur Gobolleedka IGAD ayaa leysku afgartay waqtigaas in Kursiga madaxweynaha loo daayo Gobolka Hiiraan, halka madaxweyne ku-xigeenka iyo xarunta Dowlad Gobolleedka-na loo asteeyay gobolka Shabeellaha Dhexe,

Balse Siyaasiyiin iyo Waxgarad ka soo jeeda Gobolka Hiiraan ayaa ku eedeynaya madaxtooyada Soomaaliya in ay waddo qorshe ka dhan ah heshiiskaa hore kaasoo  Kursiga Madaxweynaha ka dhiggaya mid furan oo aan u xirneyn Gobol iyo Qolo gaar ah toona, waxaana ay siyaasiyiintaasi ka diggeen haddii ay taa dhacdo  burbur ku iman kara jiritaanka Hirshabeelle.

Madaxtooyada Soomaaliya iyadu wax war kama aysan soo saarin khilaafka siyaasadeed ee ka taaggan Hirshabeelle iyo waxa ka jira eedeymaha loo jeedinayo ee ah in ay badashay dhamaanba heshiisyadii hore ee lagu soo dhisay Hirshabeelle.

Ma jiro ilaa iyo hadda heshiis muuqda oo laga gaaray habka ay u dhaceyso doorashada Kursiga ugu sarreeya maamulkan ee (Madaxweynaha) oo la soo bandhiggay laakiin dadka siyaasadda u dhuun-daloola ayaa qaba in ay jiraan arrimo hoose oo socda lagana yaabo in marka la gaaro saacadaha ugu danbeeya ee doorashada wax walba is badalli karaan.

Cabdiraxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]