4/16/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Nov 3 , 2020
Wasiir Duraan Faarax : Waxaa naga go’an dhimista saboolnimada


Talaado, November, 03, 2020 (HOL) -  Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Duraan Axmed Faarax ayaa sheegay inuu diiradda saarayo sidii guul looga gaari lahaa hayaanka dhimista saboolnimada iyo koritaan loo siman yahay.

“Waxaa Sharaf u ah Dawladda iyo Dadka Soomaaliyeed , maanta inan joogno tallaabooyinkii u horreeyay ee aan ku gaareyno isbeddel bulsho,Muwaadiniinta nugulna ay gaareyso taageerro uga imaanaysa Dawladda” ayuu yiri isagoo maanta Muqdisho ka daahfuray kulan la xiriiray Siyaasadda Ilaalinta Bulshada.

Kulanka ayaa isu keennay xubno sare oo matalayey Dawladda Federaalka, Dawlad-gobolleedyada dalka iyo gobolka Banaadir, iyadoo ujeeddadu tahay in fahan qoto dheer laga helo siyaasadda Ilaalinta Bulshada, lana gaarsiiyo dhammaan Bulshada.

“Waxaa muhiim ah inan hoosta ka xariiqno in Dawladda Federaalka iyo Dawladaha xubnaha ka ah inay inta badan dadkeenna Soomaaliyeed ee saboolka ah, tabarta daran ay ku xisaabtamayaan ballanqaadkeena iyo dadaalkeenna si aan u hubino siyaasaddan.” ayuu ku daray.

Golaha Wasiirrada Soomaaliya ayaa ansixiyay bishii July ee sannadkii 2019, siyaasadda Ilaalinta bulshada oo ay hoggaamiso Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha  Bulshada, waxaana qeyb ka ah siyaasadda in lagu dhimo saboolnimada, iyadoo lagu guuleystay ku dhawaad 1.2 milyan oo bulshada nugul ah inay taageerro dhaqaale ka helaan barnaamijka Baxnaano ee qeybta ka ah siyaasadda.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]