4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Nov 3 , 2020
Ciidamada Puntland oo dhaqdhaaqyo ciidan ka wada gobolka Sanaag kadib markii Al-shabaab qabsadeen tuulooyin hoos yimaada Laas qoray
 

Talaado, November, 03, 2020 (HOL) - Ciidamada amniga Puntland ayaa dhaqdhaaqyo ciidan ka bilaabay degaanada gobolka Sanaag kadib markii Al-shabaab qabsadeen dhowr tuulo oo hoos yimaada gobolkaas.

Ciidamo badan oo ku hubaysan gaadiidka dagaalka ayaa tagay degaano lagu tilmaamo inay Alshabaab si qarsoodi ah ku yimaadaan, waxayna kala hadleen dadka degaanka in ciidamada lagala shaqeeyom sidii loogusoo wargalin lahaa haddii helaan xog ku saabsan kooxda Al-shabaab.

Ciidamada ayaa sidoo kale raadinaya shakhsiyaad saxaafada ka sheegay inay Alshabaab kusoo dhoweeyeen degaanadooda iyagoo ku tilmaamay inay yihiin mujaahidiin.

Saraakiisha ciidamada ayaa xog wareysi la yeeshay odayaasha iyo waxgaradka degaano kuyaala gobolka Sanaag.


Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]