3/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Nov 3 , 2020
Musharixiinta Guddoonka Baarlamaanka Hirshabeelle oo maanta khudbado jeedinaya

 

Talaado, November, 03, 2020 (HOL)-Xildhibaannada Baarlamaanka Labaad ee Dowlad Gobolleedka Hirshabeelle ayaa maanta lagu waddaa in ay khudbado ka dhageystaan musharixiinta u taaggan qabashada xilka Guddoonka Baarlamaanka.

Sida ku qoran jadwalka Guddiga Doorashada maalinta barri ah ayaa lagu wadaa in ay dhacdo doorashada Guddoomiyaha iyo ku-xigeennadiisa oo ilaa iyo hadda ay u taagan yihiin 6 musharax.

Musharixiinta ayaa kala ah Xildhibaan Cabdixakiin Luqmaan Xaaji iyo Xildhibaan Maxamed Maxamuud Goodir oo u taagan qabashada xilka Guddoomiyaha Baarlamaanka, halka ku-xigeenka koowaad ay u sharaxan yihiin labada musharax ee kala ah Xildhibaan Saadaq Salaad Warsame iyo Xildhibaan Siraaji Sheekh Isxaaq.

Guddoomiye ku-xigeenka Labaad ayaa waxaa ku tartami doona Xildhibaannada kala ah Canab Axmed Ciise oo horay xilkan u soo qabatay iyo Mahad Xassan Cismaan.

Maalinta berri ayaa isha lagu wadda hayaa musharixiinta ku soo baxa doorashada iyadoo intaa kadibna loo gudbi doono qaban-qaabada doorashada madaxweynaha.

Cabdiraxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
  













Click here
11/3/2020 5:00 PM EST
Talaado, November, 03, 2020 (HOL) - Laamaha amniga Puntland ayaa magaalada Bosaso kusoo bandhigay labo nin oo dhalinyaro oo qirtay inay ka dambeeyeen kufsi iyo dil loo geystay Naciimo Cabdi Maxamed oo ahayd gabadh yar oo dhawaan maydkeeda laga helay Bosaso.

11/3/2020 1:58 PM EST
Talaado, November, 03, 2020 (HOL)- Waxaa maanta ku dhawaaqay is casilaadiisa madaxweynihii Dowlad Gobolleedka Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare isaga oo qoraal dheer uu soo saaray ku sheegay in shaley iyo maantaba aan loo marin dhismaha maamulkii uu madaxweynaha ka soo ahaa dariiqii saxda ahaa.

11/3/2020 10:11 AM EST
Talaado, November, 03, 2020 (HOL)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa warqadaha aqoonsiga ka guddoomay Danjireyaasha cusub ee dalalka Denmark, Ireland, Poland ee Soomaaliya.

11/3/2020 8:20 AM EST
Talaado, November, 03, 2020 (HOL) - Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Duraan Axmed Faarax ayaa sheegay inuu diiradda saarayo sidii guul looga gaari lahaa hayaanka dhimista saboolnimada iyo koritaan loo siman yahay.

11/3/2020 6:23 AM EST
Talaado, November, 03, 2020 (HOL) - Ergeyga Qaramada Midoobay ee Soomaaliya James Swan, ayaa kulan la qaatay wasiirka arrimaha dibada Kenya Amb. Raychelle Omamo.

11/3/2020 5:39 AM EST
Talaado, November, 03, 2020 (HOL)- Shirkan oo uu Guddoominayo Ra'iisal Wasaare Maxamed Xusseen Rooble ayaa ayaa ka soconaya Hotel ku yaala gudaha Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde, waxaana diirrada lagu saaraya qodobo ay ka mid yihiin Arrimaha Doorashooinka dalka, Amniga, Kobcinta Dhaqaalaha, Daynta cafinta, horumarinta bulshada,Caddaaladda iyo qorshaha waxqabadka xukuumadda ee 100- a maalmood.

11/3/2020 1:01 AM EST
Talaado, November, 03, 2020 (HOL) - Ganacsatada kalluunka qalalan ee gobolka Lamu ee dalka Kenya, ayaa codsaday in dib loo furo xadka Lamu iyo Soomaaliya si ay awood ugu helaan in ganacsigoodu u gudbo Soomaaliya.

11/3/2020 12:54 AM EST
Talaado, November, 03, 2020 (HOL) - Ciidamada amniga Puntland ayaa dhaqdhaaqyo ciidan ka bilaabay degaanada gobolka Sanaag kadib markii Al-shabaab qabsadeen dhowr tuulo oo hoos yimaada gobolkaas.

11/3/2020 12:26 AM EST
Talaado, November, 03, 2020 (HOL) -Madaxweynihii Dowlad Gobolleedka Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare ayaa bartiisa Twitter -ka ku shaaciyay in uu iska casilay xilkii madaxweynaha, isaga oo sheegay in uu u maray qaab sharciga waafaqsan.