3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Nov 20, 2020
Wasiir Duraan oo kulan la qaatay Odayaasha Dhaqanka iyo Wax-garadka degmada Galdogob
 

Jimco,November,20,2020 (HOL)- Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Duraan Axmed Faarax oo socdaal shaqo ku jooga degmada Galdogob ee gobolka Mudug ayaa kulan la qaatay Odayaasha dhaqanka iyo Wax-garadka.

Kulanka oo ka qabsoomay hoyga uu Galdogob ka degganyahay wasiirka , ayaa aad loogu dheeraaday arrimaha nabadeynta,horumarinta deegaanka  iyo xoojinta shirarkii dib u heshiisiinta ee ka dhacay Bandiiradley iyo Galdogob,iyadoo odayaasha dhaqanka ay codsadeen si loo gaaro dhaqan-gelinta qodobbadii lagu heshiiyay inay muhiim tahay waji saddexaad ee shirkaa.

Odayaasha Dhaqanka ayaa Wasiirka  uga mahadceliyay booqashada uu ku yimid degmada Galdogob iyo wadatashiyada uu dhaqanka la yeeshay iyo dadaalka xooggan ee uu ku bixinayo nabadeynta iyo Horumarinta Bulshada, iyaga oo ka codsaday in uu sii wado wadatashiyada uu bulshada la yeelanayo.

Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada oo kulanka uu la qaatay odayaasha dhaqanka iyo wax-garadka uga warbixiyay qorshaha socdaalka uu ku yimid degmada Galdogob iyo guud ahaan deegaannada Puntland , ayaa u sheegay inuu dadaal gelin doono dhaqangelinta dib u heshiisiinta bulshada , horumarinta iyo wax ka qabashada baahiyaha jira.

Wasiir Duraan, ayaa ku boggaadiyay odayaasha dhaqanka iyo waxgaradka hannaanka wanaagsan ee xasillinta iyo horumarinta deegaanka, ayaa kula dardaarmay  in ay laba jibbaaraan dadaallada sare u qaadidda midnimada,wadajirka iyo adkeynta ammaanka.

Kulanka uu Wasiirka la yeeshay odayaasha dhaqanka iyo wax-garadka degmada Galdogob ayaa waxaa goob joog ka ahaa Guddoomiyaha degmada Galdogob, xubno ka tirsan golaha deegaanka iyo xubno kale oo ka tirsan qeybaha bulshada.

Iman Jama, Hiiraan online
[email protected]













Click here
12/4/2020 6:20 AM EST
As testing options expand, updated testing criteria can help Minnesotans evaluate when they should get tested and which option may be best

11/20/2020 12:55 PM EST
Jimco, November, 20, 2020 (HOL)- Ciidamo katirsan Puntland ayaa caawa maqribkii lala beegsaday qarax miino iyagoo marayay waqooyiga magaalada Gaalkacyo, sida ay HOL, u sheegeen dad goob joogayaal ah.

11/20/2020 12:34 PM EST
Jicmo, November, 20, 2020 (HOL) - Maalinta Axad ah toddobaadka danbe oo ay taarkhiidu ku beegan tahay 21 bishan November, ayaa lagu wadaa in magaalada Muqdisho uu shir uga furmo midowga musharixiinta xilka madaxweynaha Soomaaliya.

11/20/2020 6:54 AM EST
Jimco, November, 20, 2020 (HOL)- Saacadihii ugu danbeeyay Garoonka diyaaradaha magaalada Muqdisho waxaa ka soo taggay qaar ka mid ah musharixiinta xilka madaxweynaha Soomaaliya doorashada 2020-21, dhinaca kalana ah siyaasiyiin siweyn uga biyo diidan hannaanka ay dowladdu u maamuleyso doorashada.

11/20/2020 4:35 AM EST
Jimco, November, 20, 2020 (HOL)- Madaxa hay'adda Caafimaadka Aduunka WHO Dr Tedros Adhanom Ghebreyesus ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay eedeyn uga timid dhinaca dowladda Itoobiya oo ka dhan ah dagaallada ka socda gobolka Tigrayga.

11/20/2020 12:03 AM EST
Jicmo, November, 20, 2020 (HOL) -Wasiirkii hore ee Wasaarradda Arrimaha Dibadda Axmed Ciise Cawad oo wareegto ka soo baxay xafiiska Ra''iisal Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya xilka looga qaaday ayaa ka hadlay sida uu u arko xil ka qaadistiisa iyo in la tashi lagala sameeyay.