4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Nov 2 , 2020
Shacabka magaalada Baraawe oo sharci darro ku tilmaamay shaqo joojinta lagu sameeyay agaasimihii isitaalka Baraawe
 

Isniin, November, 02, 2020 (HOL) - Shacabka magaalada Baraawe ee gobolka Shabeelada hoose ayaa sharci darro ku tilmaamay shaqo joojintii lagu sameeyay agaasimihii isbitaalka Baraawe Cabdalle Cabdiraxmaan Nuuraani.

Wasaaradda caafimaadka Koonfur galbeed ayaa shaqada ka joojisay agaasimaha, kadib markii ay ku eedeeysay inuu cuuryaamiyay shaqadii isbitaalka.

Dadweynaha magaalada Baraawe ayaa sheegay agaasimaha inuu ahaa masuul si daacad ah ugu shaqeynayay dadkiisa islamarkaana sababta xilka looga qaaday ay tahay ujeedo gaar ah oo lagu doonayo in lagu cuuryaamiyo isbitaalka Baraawe.

Agaasimaha isbitaalka Baraawe, Cabdalle Cabdiraxmaan Nuuraani, ayaa sheegay sababta looga joojiyay shaqada in ay tahay, kadib markii uu bulshada u sheegay dafuuraha isbitaalka ka jira iyo in maamulka koonfur galbeed uu wax ka qaban waayay.

 “Way mahadsan yihiin shacabka diiday in shaqada la iga joojiyay, balse waxaan u caddeynayaa in aan mar dambe doonayn inaan isbitaalka Baraawe agaasime ka noqdo ama kasii ahaado,” ayuu yiri Cabdalle Nuuraani.


Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]