3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Nov 2 , 2020
Madaxweyne Trump oo beeniyay inuu kasoo horjeesandoono natiijada doorashada haddii laga guulaysto
 

Isniin, November, 02, 2020 (HOL) - Madaxweyne Donald Trump ayaa beeniyay warbixin ah inuu si deg deg ah ugu dhawaaqi doono inuu ku guuleystey doorashada madaxweynenimada dalkiisa habeenka talaadada haddii ay u muuqato inuu ka horeeyo'Joe Biden.

"Maya, maya taasi waxay ahayd warbixin been ah,' ayuu u sheegay suxufiyiinta ka dib markii uu ka degay North Carolina oo uu halkaas kula hadlayay taageerayaashiisa.

Laakiin Trump wuxuu sheegay inuu diyaar u yahay inuu u diro qareennadiisa gobolada sida Pennsylvania oo kale si ay u hubiyaan codbixinta.

Hadalka Trump ayaa kusoo aadaya iyadoo maalin kaliya ay ka dhiman tahay doorashada madaxtinimada Maraykanka oo ku beegan maalinta berito ah.

Madaxweyne trump ayaa loolan adag kala kulmidoona musharaxa la tartamaya joe Biden, oo kaga horeeyay codbixino tijaabooyin ah oo horey loo sameeyay.

Soomaalida ayaa kamid ah dadka sida aadka isha ugu haya doorashada Maraykanka maadaama ay kamid yihiin dalalka muslimka ah ee madaxweye Trumo uu kusoo rogay xayiraada ka dhanka ah inay u safraan Maraykanka.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]












Click here
11/2/2020 1:53 PM EST
Isniin, November, 02, 2020 (HOL)- Doorashada Hirshabeelle ayaa ah tan ugu xiisaha iyo hadal heynta badan guud ahaan marka la eego siyaasadda Soomaaliya xiliggan, sababta ayaa lagu sheegay waqtiga xasaasiga ah oo ay ku soo beegantay iyo loolanka adag ee beelaha oo isku haya awood qeybsiga kuraasta ugu sarreysa maamulka.

11/2/2020 11:19 AM EST
Isniin, November, 02, 2020 (HOL)- Qoraal ka soo baxay Madasha Xisbiyada Qaran ayaa lagu taageeray go'aankii Guddoomiyaha Aqalka Sare ee soo magacaabista guddiga soo xulista Xildhibaannada Gobollada Waqooyi ee ka mid ah noqonaya Baarlamaanka Soomaaliya,

11/2/2020 9:54 AM EST
Isniin, November, 02, 2020 (HOL)- Kulan maanta xildhibaannada Golaha Shacabka ay ku yeesheen magaalada Muqdisho ayeey ku meelmariyeen sharciga dhismaha hay'adda Diiwaangalinta iyo Aqoonsiga dadweynaha.

11/2/2020 8:16 AM EST
Isniin, November, 02, 2020 (HOL) - Lataliyihii hore ee amniga madaxweyne Farmaajo, Hussein Moalin ayaa sheegay in Al-Shabaab ay kordhiyeen nidaamyadooda dakhli uruurinta gudaha Kenya, kadib markii warbixin dhawaan uu soo saaray machadka Hiraal ee fadhigiisu yahay Muqdisho uu ku shaaciyay sida kooxdu u soo xareyso dakhli sanadle ah.

11/2/2020 7:41 AM EST
Isniin, November, 02, 2020 (HOL) - Safiirka China ee Soomaaliya, ayaa la kulmay wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya Axmed Ciise Cawad, si uu ula qeybsado dabaaldega sanad guuradii 60aad ee aasaaskii xiriirka diblomaasiyadeed ee labada dal.

11/2/2020 6:14 AM EST
Isniin, November, 02, 2020 (HOL) - Shacabka magaalada Baraawe ee gobolka Shabeelada hoose ayaa sharci darro ku tilmaamay shaqo joojintii lagu sameeyay agaasimihii isbitaalka Baraawe Cabdalle Cabdiraxmaan Nuuraani.

11/2/2020 4:41 AM EST
Isniin, November, 02, 2020 (HOL)- Roob Mahiigaan ah oo saacado dhowr ah qaatay oo habeennidii xalay ka da'ay magaalada Muqdisho ayaa sababay barakaca dad dan'yar oo qaarkood uu burburiyay roobka guryihii ay ku jireen.

11/2/2020 2:53 AM EST
Isniin, November, 02, 2020 (HOL)-Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed oo maalintii shalay taggay magaalada Jowhar ayaa saacadihii ugu danbeeyay kulamo kala duwan la lahaa Siyaasiyiinta iyo Waxgaradka ku howlan dhismaha 2aad ee Hirshabeelle, waxaana kulankii ugu danbeeyay uu la qaatay duubabka dhaqanka.

11/2/2020 12:02 AM EST
Isniin, November, 02, 2020 (HOL)-Waxaa lagu waddaa in maanta oo Isniin ah magaalada Jowhar ay ka bilaabato diiwaangalinta musharixiinta u taagan qabashada xilka guddoonka sare ee Baarlamaanka 2aad Dowlad gobolleedka Hirshabeelle.