3/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Nov 19, 2020
Raysal Wasaaraha Soomaaliya oo maanta kulankii ugu horeeyay la qaatay guddiyada doorashooyinka


Khamiis, November, 19, 2020 (HOL) - Ra'isul wasaaraha Soomaaliya, Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta kulankii ugu horeeyay la yeeshay guddiyada madaxa bannaan ee doorashada heer Federal iyo guddiga xallinta khilaafaadka doorashooyinka.

Raysal Wasaaraha ayaa kula dardaarmay guddigan inay si madax bannaan oo daah furan u wajahaan sidii dalka uga dhici lahayd doorasho xor iyo xalaal ah.

Raysal Wasaare Rooble ayaa tilmaamay in guddigan uu laf dhabar u yahay doorasho ka hufan musuq maasuq iyo cadaalad darro islamarkaana ay ku qancaan ummadda Soomaaliyeed iyo daneeyayaasha siyaasada.

Wuxuu raysal wasaaraha u sheegay in guddiyada looga baahan yahay in ay iska ilaaliyaan in doorashada ay soo galaan kooxaha nabad diidka iyo argigixisada.

Guddigaan uu raysal wasaaruhu horey u magacaabay ayaa loo jeediyay eedaymo ku aadan in ay  qeybtooda katirsan yihiin hay’adda amniga, looguna talo galay in lagu cabsi galiyo ergooyinka doorashooyinka ka qeyb galaya.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]












Click here
11/19/2020 1:02 PM EST
Khamiis, November, 19, 2020 (HOL)- Ra'iisal Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Xusseen Rooble ayaa xilkii ka qaaday Wasiirkii Arrimaha Dibadda Axmed Ciise Cawad isaga oo xilkan u magacaabay mudane Maxamed Cabdirisaaq Maxamuud.

11/19/2020 11:30 AM EST
Khamiis, November, 19, 2020 (HOL)-Beesha caalamka ayaa markii ugu horreysay war ka soo saartay doorashadii dhawaan ka dhacday magaalada Jowhar ee lagu soo doortay madaxda dowlad gobolleedka Hirshabeelle.

11/19/2020 9:52 AM EST
Khamiis, November, 19, 2020 (HOL) - Wafdi uu hogaaminaayo madaxweyne ku xigeenka dowlad goboleedka Hirshabeelle Yuusuf Axmed Hagar Dabageed ayaa maanta soo gaaray magaalada Baledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.

11/19/2020 4:32 AM EST
Khamiis, November, 19, 2020 (HOL) - Guddoomiyaha Aqalka sare ee Soomaaliya ayaa soo saaray Habraaca lagu maamulayo doorashada Xildhibaanada labada gole ee ka soo jeeda gobolada Waqooyi (Somaliland).

11/19/2020 3:45 AM EST
Khamiis, November, 19, 2020 (HOL)-Dowladda Itoobiya ayaa Arbacadii ku baaqday in hub ka dhigs lagu sameeyo Askarta ka soo jeeda qowmiyada Tigrayga ee ka tirsan howlgalka midowga Africa AMISOM ee ku sugan Soomaaliya.

11/19/2020 3:08 AM EST
Khamiis, November, 19, 2020 (HOL)- Taliye ku-xiggeenkii hore ee hay’adda Nabad-sugida Qaranka Ismaaciil Daahir oo warbaahinta wareysi siiyay ayaa ka hadlay doodda ka taagan guddiyada doorashada iyo wax ka jira in ay ka mid yihii xubno ka tirsan hay’adda Nabad-sugida Qaranka.

11/19/2020 2:03 AM EST
Khamiis, November, 19, 2020 (HOL) - Qaar kamid ah Senatarada kasoo jeeda gobolada waqooyi ee Somaliland ayaa kasoo horjeestay mowqifka guddoomiyaha aqalka sare uu ka taagan yahay arrimaha doorashooyinka.

11/19/2020 12:14 AM EST
Khamiis, November, 19, 2020 (HOL)-Dowladda Soomaaliya ayaa ka laabatay qoraal markii hore lagu shaaciyay bogga Twitter -ka Wasaarradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo la xiriiray mowqifka dowladda ee dagaalka ka soconaya Waqooyiga dalka Itoobiya.