4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Nov 18, 2020
Cumar Carte Qaalib oo goor dhaw ku geeriyooday magaalada Hargeysa

 

Arbaco, November, 18, 2020 (HOL)-Waxaa goor dhaw oo maanta ah ku geeriyooday magaalada Hargeysa Ra'iisal Wasaarihii hore ee Soomaaliya Cumar Carte Qaalib oo mar dalka ka soo noqday Ra'iisal Wasaare iyo Wasiir Arrimo dibaddeed.

Cumar Carte Qaalib ayaa mudooyinkii ugu dambeeyey ku xanuusanayey magaalada Hargeysa oo uu mudooyinkii ugu dambeeyey ku noolaa ka dib markii uu ka soo laabtay Soomaaliya.

Dhawaan waxaa magaalada Hageysa xanuunkiisa u tagay wiilkiisa Maxamed Cumar Carte Qaalib oo ahaa xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya, hasse ahaatee cafis ka helay madaxweynaha Soomaaliland Muuse Biixi Cabdi.

Dowladda Soomaaliya ayaa ka tacsiyeeysay geerida Alle ha u naxariistee Cumar Carte oo Wasiirka Arrimaha Dibadda ka soo noqday dowladdii Kacaanka sidoo kalana dalka Ra'iisal Wasaare ka soo  noqday burburkii kaddib.

Wuxuu noqonayaa ra'iisal Wasaarihii saddexaad ee sanadkan gudihiisa geeriyooda, iyadoo horey cudurka Covid19 ay u geeriyoodeen Nuur Xassan Xusseen [Nuur Cadde] iyo Cali Khaliif Galeyr oo labaduba dalka ra'isal wasaare ka soo noqday. 

Cabdiraxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]