4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Nov 18, 2020
Sarkaal katirsan maxkamada gobolka Sool oo lagu dilay magaalada Laascaanood
 

Arbaco, November, 18, 2020 (HOL) - Dablay hubaysan ayaa xalay magaalada Laascaanood ee gobolka Sool ku dilay masuul kamid ahaa garsoorka gobolka Sool oo Lagu magacaabo Cabdulaahi Salaad (wadaadyare).

Masuulkaan ayaa la dilay xilli uu sii galayey hoygiisa. Lama garanayo sababta loo dilay iyo cidda ka dambeysa dilkiisa.

Horaantii sanadkaan, Laascaanood ayaa lagu dilay gudoomiyihii maxkamada gobolka Sool, kadib qarax loogu xiray gaarigiisa.

Ma jirto cid sheegatay dilkiisa weli.

Gobolka Sool oo hoos taga maamulka Somaliland, ayaa masuuliyiinta hay’adda garsoorka waxay ka yihiin dadka ugu badan ee la batilmaameesanayay 10 sano ee ugu dambeeyay.

Horey, waxaa magaalada loogu dilay guddoomiyayaal maxkamadeed, xeer ilaaliyalaal iyo saraakiil amni.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]