3/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Nov 18, 2020
Ciidamada Itoobiya oo ku sii siqaya magaalada Mekelle ee caasimada gobolka Tigrayga

 

Arbaco, November, 18, 2020 (HOL) - Dowladda ayaa sheegtay in ciidamadeeda ay ku sii dhawaanayaan magaalada Mekelle ee caasimada gobolka Tigray, kadib markii laga gudbay waqti laba toddobaad oo dagaal ah.

“Ficilka ugu dambeeya ee fulinta sharciga waxaa la fulin doonaa maalmaha soo socda,” waxaa sidaas yiri ra’iisul wasaare Abiy Ahmed.

Guddiga Abiy u xil saaray dagaalka Tigray ayaa dhankoodana ku eedeeyey Tigray inay burburiyeen buundooyin isku xira magaalada caasimadda ah ee Mekelle iyo qeybaha kale ee dalka, si ay u joojiyan ciidamada federaalka ee kusoo siqaya.

“Fallaagada TPLF waxaa dhowaan lagula xisaabtami doonaa burburinta kaabayaasha iyo dambiyada ay ku kacayaan,” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay guddiga.

Ciidamad Federaalka ayaa sidoo kale sheegtay in ay  xorreeyeen  deegaanada Raya, Chercher, Gugufto iyo Mehoni oo ku yaalla qeybaha bari ee gobolka Tigray, iyo deegaanada Shire oo ku yaalla dhinaca galbeed.

Ciidamada federaalka ayaa sidoo sheegtay inay burburiyeen saldhigyo militari xilli ay kusii socdeen Mekelle.

“Ciidamada fallaagada waxey hadda ku jiraan dib u gurasho, waxaana ku siqaya kuwa federaalka si cadaaladda loo mariyo,” ayey tiri dowladda.

Hoggaamiyayaasha Tigrayga ayaa ku eedeeyey ciidamada federaalka inay burburiyeen biyo xireen iyo warshad sonkor, ayaga oo si “arxan darro ah” u weeraraya shacabka shanta milyan ah ee Tigray-ga.

Cabdiraxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]   
















Click here
11/18/2020 4:20 PM EST
Arbaco, November, 18, 2020 (HOL) - Raysal wasaaraha dowladdda federalka Soomaaliya ayaa wareegto ku magacaabay xubno lagu dhameytirayo guddiyada doorashooyinka heer dowlad goboleed, iyadoo laga ambaqaadayo heshiiskii siyaasadeed ee arrimaha doorashada.

11/18/2020 12:41 PM EST
Arbaco, November, 18, 2020 (HOL) -Dowladda Soomaaliya ayaa War-saxaafadeed ka soo saartay dagaalka ka socda Waqooyiga dalka Itoobiya ee u dhaxeeya ciidamada Federaalka Itoobiya iyo xoogaga TPLF.

11/18/2020 10:27 AM EST
Arbaco, November, 18, 2020 (HOL) - Puntland ayaa maanta Somaliland ku wareejisay eedeesane loo haysto inuu qof shacab ah ku dilay magaalada Hargeysa ee caasimadda Somaliland.

11/18/2020 8:53 AM EST
Arbaco, November, 18, 2020 (HOL) Ra'iiisal Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xusseen Rooble ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay doodda siyaasiyiinta mucaaradka ah ee ka dhanka ah Guddiyada Doorashada.

11/18/2020 7:50 AM EST
Arbaco, November, 18, 2020 (HOL)-Waxaa goor dhaw oo maanta ah ku geeriyooday magaalada Hargeysa Ra'iisal Wasaarihii hore ee Soomaaliya Cumar Carte Qaalib oo mar dalka ka soo noqday Ra'iisal Wasaare iyo Wasiir Arrimo dibaddeed.

11/18/2020 7:34 AM EST
Arbaco, November, 18, 2020 (HOL)- Ra'iisal Wasaare ku-xigeenka Soomaaliya Mahdi Maxaxmed Guulleed Khadar ayaa khudbad uu ka dhax jeediyay Tiyaatarka Qaranka wuxuu sheegay in doorashada 2021ka wareega koowaadba ku guuleysan doonaan.

11/18/2020 7:04 AM EST
Arbaco, November, 18, 2020 (HOL)- Ra'iisal Wasaare ku-xigeenka Xukuumadda Soomaaliya Mahdi Xusseen Guulleed Khadar ayaa mar kale fariin u diray siyaasiyiinta mucaaradka ah ee ka soo horjeeda hannaanka ay dowladdu u maamuleyso doorashada.

11/18/2020 5:41 AM EST
Arbaco, November, 18, 2020 (HOL)-Ugu yaraan saddex ruux oo rayid ah ayaa lagu waramayaa in ay u dhinteen rasaas ay ku fureen ciidamo ka tirsan AMISOM oo qarax lala eegtay

11/18/2020 5:20 AM EST
Arbaco, November, 18, 2020 (HOL) - Kulanka oo noqonaya kii ugu horreeyay ee noociisa ayaa waxaa soo qaban-qaabisay Wasaarradda Maaliyada Xukuumadda Soomaaliya, waxaana diirada lagu saaray doorka ganacsatada ay ka qaadan karaa kobcinta dhaqaalaha.

11/18/2020 5:08 AM EST
Arbaco, November, 18, 2020 (HOL) - Xisbiyada mucaaradka dalka Denmark ayaa walaaca kasoo saaray heshiiskii qarsoodi ah oo u dhexeeya Danmark iyo Soomaaliya oo ku saabsan musaafurinta khasabka ah.

11/18/2020 12:53 AM EST
Arbaco, November, 18, 2020 (HOL) - Dablay hubaysan ayaa xalay magaalada Laascaanood ee gobolka Sool ku dilay masuul kamid ahaa garsoorka gobolka Sool oo Lagu magacaabo Cabdulaahi Salaad (wadaadyare).

11/18/2020 12:04 AM EST
Arbaco, November, 18, 2020 (HOL)-Dowladda Mareykanka ayaa liiska argagixisada ku dirtay Labo sarkaal oo sare kana tirsan ururka Al-shabaab, kaddib qoraal ka soo baxay Wasarradda Arrimaha dibadda.