4/16/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Nov 17, 2020
Waa kuwan wararkii ugu dambeeyay COVID-19



Talaado, November, 17, 2020 (HOL) - Waaxda Caafimaadka ee Minnesota ayaa sheegtay Talaadadii in lix iyo labaatan kale oo reer Minnesota ah u dhinteen COVID-19, tirada guud ee dhimashadana ay ahayd 2,943 qofood.

Ka dib marki ay dhimashada gaartay 56 qofood Arbacadii la soo dhaafay, taas oo ahayd dhimashada ugu badan waqtiyadan, maamulka gobolka ayaa sheegay in dhimashada hoos u sii dhacaysay maalinba maalinta ka dambeysa ilaa Isniintii oo ay 12 qofood dhinteen ka hor inta ay kor u sii kicin Talaadada.

Dadka la sheegay in ay geeriyoodeen Talaadadii, afar waxay ahaayeen 90-shan jirro, siddeedna 80-tan jirro, toddobana 70-tan jirro, shanna 60-dan jirro iyo labana 50-tan jirro. Labo iyo toban ka mid ah 26kii dhimatay ee Talaadadii la sheegay waxay deganaayeen guryaha daryeelka muddada dheer. 486 qofood oo ilaa iyo hadda u dhimatay cudurkan halista ah ayaa timaamayay in bishan Noofembar ku socoto in ay noqoto bisha ugu dhimasha badan ee cudurkan safmareenka ah.

696 qofood ayaa Koronafayros u god-galay bishii Meey.

Waaxda Caafimaadka ee Gobolka Minnesota ayaan waxay kaloo sheegtay Talaadadii in tirada guud ee bukaannada COVID-19 ee gobolka gaartay 236,949 qofood. Tiradaas ayaa kor u kacday 5,931 laga soo bilaabo Isniintii ka dib markii baaris caafimaad lagu sameeyay 33,542 qofood oo cusub. Celceliska toddobaad laha ah ee cudurka ayaa hadda ah 14.9 boqolkiiba. Si toos ah ayay tiradaani u sii kor dhaysaa intii ka dambaysay bishii Oktoobar, waana markii ugu horraysay ay ku dhawaato 15-boqolkiiba tan iyo bishii Abriil.

Macluumaadkii ugu dambeeyay ayaa muujinaya in 346 ruux ee reer Minnesota ah ay isbitaalka qaybtiisa daryeelka degdega ah ugu jiraan cudurka COVID-19, 1,323 qofood kalena ay isbitaalka u joogaan, meel aan ahayn daryeelka degdega, isla xanuunka halista ah.

Walz waxa uu leeyahay gobolka wuxuu ‘hakad’ gelin doonaa hawlaha ciyaaraha ee dugsiyada.

Go'aankii uu ku dhawaaqay isbuucii la soo dhaafay ee xaddidaadaha adag ee ganacsiyada qaarkood, Guddoomiye Tim Walz ayaa sheegay Talaadadii in uu ku dhawaaqi doono Arbacada "hakad" gelin "si caddaalad ah u wada saameeynayo" dhammaan howlaha cayaaraha dugsiyada. Wuxuu sheegay in goobaha cayaaraha ee dugsiyada yihiin baraha cudurkan halista ah kaga faafo bulshada dhexdeeda. Waxa uu yiri taasina waa arrin aan la sii wadi karin oo in la joojiyo ay muhiim tahay si aan ummadda halis loo gelin.

“Haddii aynu arrintani gacanta ku dhigiweyno, kala doorasho in ay goobahaasi furaadaan iyo in kale maba taagna doonto xaaladdu,” ayuu yir.

“Saddexda toddobaad ee soo socota waxaa walaac badan ka jiri doonaa boosaska banaan ee isbitaallada,” ayuu yiri Walz.