3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Nov 16, 2020
Wasiir Cawad: Kenya waa dalka noogu muhiimsan dalalka walaalaheen ee deriska nala ah
 

Isniin, November, 16, 2020 (HOL) - Wasiirka arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga ah ee Soomaaliya Axmed Ciise Cawad, ayaa Kenya ku tilmaamay in ay tahay dalka ugu muhiimsan dalalka deriska la ah Soomaaliya.

Wasiir Cawad ayaa sheegay, Soomaaliya in ay qaadatay siyaasad isku dhowayn ah oo lagu midaynayo dalalka kuyaala geeska Afrika ee saameyn ku leh Soomaaliya, si loo fududeeyo isku socodka ganacsiga iyo is dhexgalka bulshooyinka kala duwan.  

“Soomaaliya waxay aaminsan tahay dalalka ugu muhiimsan in ay yihiin dalalka deriska nala ah sida Kenya, Ethiopia, Jabuuti, Eritrea iyo labada Suudaan . Adduunkii waa iskusoo dhowaanayaa, anagana waxaan nagala rabaa in aanan qol iskusoo xirin oo aan la socono isbedela ka socda gobolka,” ayuu yiri wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya.

Wuxuu sheegay wasiir Cawad, in dowladda Soomaaliya afartii sano ee lasoo dhaafay ay ka shaqeynaysay in siyaasada arrimaha dibadda ay noqoto mid ka shaqeysa isku soo dhowaanshaha wadamada gobolka, si looga baxo colaadihii kala irdheeyay dalalka gobolka.

Hadalkaan ayuu wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya ka sheegay furitaanka safaaradda Soomaaliya ee Nairobi.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]












Click here
11/16/2020 12:42 PM EST
Isniin, November, 16, 2020 (HOL) - Dableey hubeeysan ayaa Caawa xaafada Bundaweyn ee magaalada Baledweyne waxay ku dileen allaha u naxariiste guddoomiye ku xigeenkii xaafada Bundaweyne Cabdi Muxumed oo loo yaqiinay Kuukaay Dheere.

11/16/2020 10:54 AM EST
Isniin, November, 16, 2020 (HOL)- Kulan Maanta oo Isniin ay magaalada Muqdisho ku yeesheen xildhibaannada Golaha Shacabka ayaa waxa ay ku ansixiyeen Guddiga adeega garsoorka iyo sidoo kale u codeynta xubnaha Guddiga la dagaalanka musuq-maasuqa.

11/16/2020 9:23 AM EST
Isniin, November, 16, 2020 (HOL) - Madaxweynaha dowlad goboleedka koonfur galbeed, Cabdicasiis Lafta-gareen ayaa guddoomiyaha gobolka Shabeellada hoose u magacaabay C/qaadir Sheikh Maxamed Nuur Siidi oo horey xilkaan usoo qabtay.

11/16/2020 8:39 AM EST
Isniin, November, 16, 2020 (HOL) - Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Duraan Axmed Faarax ayaa maanta gaaray magaalada Garoowe ee xarunta Puntland, halkaa oo si ballaaran loogu soo dhaweeyay.

11/16/2020 7:16 AM EST
Isniin, November, 16, 2020 (HOL) - Dooni kalluumeysi oo ay lahaayeen ganacsatada Puntland kasoo jeeda, ayaa ku caariday xeebta degaanka Gumbax oo ka tirsan gobolka Bari, sida ay sheegeen masuuliyiin katirsan Puntland.

11/16/2020 5:52 AM EST
Isniin, November, 16, 2020 (HOL)- Guddoomiye ku-xigeenka Labaad ee Baarlamaanka Dowlad Gobolleedka Hirshabeelle Mahad Xassan Cismaan ayaa sheegay in uu socdo qorshe la doonayo in hal Sano lagu kordhiyo muddo xileedka maamulka oo hadda ah Afar Sano.

11/16/2020 12:22 AM EST
Isniin, November, 16, 2020 HOL) -Mudanayaasha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa ayaa maanta oo Isniin ah yeelanaya kulankoodii caadiga iyaga oo ka uga dooddi doona ajandayaal dhowr ah.

11/16/2020 12:07 AM EST
Isniin, November, 16, 2020 (HOL) - Saraakiisha ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa sheegay in howlgal qorsheysan oo ay ka sameeyeen deegaanno ka tirsan gobolka Shabeellaha dhexe ku dileen sarkaal sare oo ka tirsanaa Ururka Al-shabaab.

11/16/2020 12:02 AM EST
Isniin, November, 16, 2020 (HOL) - Iyadoo aad moodo in ay cirka isku sii shareertay doodda ku saabsan Guddiyada Dowladda Federaalka u saartay doorashada 2020-21, ayaa waxaa soo baxaya markan fariimo culus oo ay siyaasiyiinta ka soo horjeeda u dirayaan dowladda.