4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Nov 14, 2020
UN ka oo ka hadlay maalgashiga Turkiga ee Soomaaliya

 

Sabti, November, 14, 2020 (HOL)- Maalgashiga iyo kaalmada horumarineed ee Turkigu siiyo Soomaaliya ayaa saameyn ballaaran oo dhaqaale ku yeeshay Koboca dhaqaallaha iyo yareynta dhibaatooyinka shaqo la’aanta ay ka mid yihiin, sida uu sheegay wakiilka gaarka ah ee xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay ee Soomaaliya.

“Waxaan aragnaa jawaabta Turkiga ee baahiyaha muhiimka ah. Dadaallada Turkiga ee ku aaddan dhismaha waddooyinka [ama] shirkadaha gaarka loo leeyahay ee lagu horumarinayo shaqada iyo waxqabadka garoonka si loo hubiyo in howlaha dekedda ay saameyn ballaaran ku yeesheen dhaqaalaha, gaar ahaan magaalada Muqdisho, ”ayuu James Swan u sheegay wargeyska Daily News ee Hürriyet.

Waxaa uu intaasi kusii daray “Kuwani waa qaybo muhiim u ah kaabayaasha dhaqaalaha ee dalka,”.

Xiriirka labada dhinac ee Turkiga iyo Soomaaliya ayaa xoogeystay tan iyo sanadkii 2011-kii markii Ankara ay gacan  siisay waddanka ku yaalla Geeska Afrika xilligii ay ku jirtay macaluusha ba’an.

Maaddaama ra’iisul-wasaarihii xilligaas oo hadda ah madaxweynaha  xilka haya Recep Tayyip Erdo  uu noqday hoggaamiyihii ugu horreeyay ee aan Afrikaan ahayn ee booqda Soomaaliya, labada dal tan iyo xilligaas waxay lahaayeen iskaashi dhow.

Maanta, maalgashiga Turkiga ee Soomaaliya wuxuu gaarayaa qadar dhan $ 1 bilyan,Marka laga reebo howlaha bani’aadanimo iyo horumarka, Turkiga sidoo kale wuxuu ku leeyahay saldhigii militari abid ugu weynaa meel ka baxsan Turkiga.

“Taageerada balaaran ee loo fidiyay barnaamijka tababarka ciidamada ee Turkiga waxay gacan ka gaysatay dhismaha awooda amniga ee Soomaaliya. Tani waa muhiim maxaa yeelay, ugu dambeyn rajada laga qabo waxay tahay in ciidamada Soomaaliya ay la wareegaan mas’uuliyadda koowaad ee amniga qaranka.  ”ayuu yiri Swan.

Dhowaan, Turkiga iyo dalal kale oo badan ayaa hoos u dhigay deynta Soomaaliya ay ku leedahay Hay’adda Lacagta Adduunka (IMF), iyada oo qayb ka ah dadaallada sanduuqa la bilaabay horaantii sanadkan si looga cafiyo deymaha culus ee dalalka dakhligoodu hooseeyo.

Sida laga soo xigtay Swan, deynta laga cafiyay waxay muhiim u tahay Soomaaliya si ay u hesho maalgelin deeqo cusub, gaar ahaan markay la tacaaleyso cudurka faafa ee COVID-19.

Cabdiraxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]