3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, May 22, 2020
Dowladda Maraykanka oo madaxweyne Farmaajo ugu baaqday inuu qabto kulan ku saabsan qorshaynta doorashada
 

Jimco, May 22, 2020 (HOL) -  Dowladda Maraykanka ayaa ugu baaqday madaxweyne Farmaajo inuu sida ugu dhaqsaha badan uguna macquulsan u qabto kulanka Golaha Amniga Qaranka, si looga wada hadlo qorsheynta doorashada soo socota, iskaashiga amniga, iyo waxyaabaha kale ee mudnaanta leh ee qaranka.

Maraykanka wuxuu sheegay inuu aad uga xunyahay in Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya iyo madaxda dowlad-goboleedyada aysan wali ka heshiin arimaha doorashada, isagoo ka walaacsan in jadwalka doorashadu dib u dhac ku yimaado.

Bayaanka dowladda Maraykanka kasoo baxay waxaa sidoo kale barlamaanka Soomaaliya loogu yeeray inuu meel mariyo shuruucda doorashada iyo in Muqdisho iskugu yimaadaan dowladaha xubnaha ka ah federaalka, bulshada rayidka ah, iyo daneeyayaasha kale ee ay quseyso si ay u gaaraan is afgarad ku saabsan geedi socodka doorashada.

Maraykanka wuxuu walaac xoogan ka muujiyay loolanka siyaasadeed ee ka socda qaar kamid ah gobolada, kaasoo saameyn ku yeeshay dagaalka Al-Shabaab.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]












Click here
5/22/2020 7:55 PM EST
Jimco, May 22, 2020 (HOL) - Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland, Siciid Cabdulaahi Deni ayaa caawo shaqada ka eryay wasiirro iyo ku xigeeno katirsanaa golihiisa wasiiradda, isagoo kuwa kale ku bedelay.

5/22/2020 7:45 PM EST
Jimco, May 22, 2020 (HOL) - Dowladda Soomaaliya ayaa goor dambe oo caawo ah shaacisay inay berito tahay maalinta koowaad ee bisha Shawwaal iyo ciidul Fidri, iyada oo burisay go'aan horey ugasoo baxay caawo fiidkii oo lagu sheegayay in ay beri Soon tahay.

5/22/2020 11:29 AM EST
Jimco, May 22, 2020 (HOL) - Maxkamadda gobolka Benaadir ayaa qabatay dacwad uusoo gudbiyay Ururka Qaranka Suxufiyiinta Soomaaliyeed ee NUSOJ oo ka codsaday in maxkamaddu ay farto Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka in uu baaris ku sameeyo dilalka loo geystay in ka badan 50 suxufi oo Soomaaliya lagu dilay.

5/22/2020 7:37 AM EST
Jimco, May 22, 2020 (HOL) - Wakiilka Midowga Afrika ee Soomaaliya Francisco Madeira oo qudbad ka jeediyay kulankii golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay ee looga hadlayay arrimaha Soomaaliya ayaa ka hadlay xaaladaha siyaasadeed ee Jubbaland iyo heshiis ay gaareen hogaanka Jubbaland iyo xubno kamid ah garabyada Mucaaradka Jubbaland.

5/22/2020 7:23 AM EST
Jimco, May 22, 2020 (HOL) - Maamulka Suldada Falastiin ayaa si cad u diiday gar-gaar loogu tala-galay ka hortagga Coronavirus oo ay Imaaraadka usoo mariyeen Isra’el Khamiistii shalay, maamulkaas ayaa sheegay in loo baahnaa in deeqdaasi si toos ah loogu soo hagaajiyo madaxda Falastiin, iyadoo aan lasoo marsiin dhinaca Yuhuudda.

5/22/2020 6:15 AM EST
Jimco, May 22, 2020 (HOL) - Madaxweyne Donald J. Trump ayaa mar kale sheegay hadallo adag oo xanaf leh oo ay dhibsan doonaan dalal badan oo uu kamid yahay Ruushka, kadib markii uu qeexay in waddankiisa uu ka bixi doono heshiis horay loo galay oo dhigayay in diyaaradaha aan hubeysneyn ay si xor ah ku gooshi karaan hawada dhinacyada heshiinkaan saxiixay.

5/22/2020 6:02 AM EST
Jimco, May 22, 2020 (HOL) - Wararka ka immaanaya gobolka Gedo ee koonfurta Soomaaliya ayaa waxay sheegayaan in xalay dagaal qaatay muddo ku dhowaad saacad ah uu dhex-maray ciidamada dowladda ee halkaasi jooga iyo Al-shabaab.

5/22/2020 5:28 AM EST
Jimco, May 22, 2020 (HOL) - Golaha ammaanka ee Qaramada midoobe ayaa ka hadlay xaaladda Soomaaliya , iyagoo warbixin ka dhageystay ergayga gaarka ah ee Jimciyadda quruumaha ka dhexeysa u qaabilsan Soomaaliya James Swan iyo safiirka midowga Afrika ee Soomaaliya Danjire Francisco Madera, waxayna ka hadleen labadaba arrimihii ugu dembeeyay Soomaaliya , sida doorashooyinka iyo dagaalladii u dhexeeyay ciidamada dowladda iyo Al-shabaab, si gaar ah kii Jannaale.

5/22/2020 5:06 AM EST
Jimco, May 22, 2020 (HOL) - Waxaa dalka Soomaaliya lagusoo celiyay muwaadiniin Soomaaliyeed oo ku xayirnaa illaa iyo seddex waddan kuwaasi oo uu saameeyay socdaal joojinta uu sababay xanuunka Coronavirus ee caalamka.