3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, May 21, 2020
WHO oo walaac ka muujineysa kiisaska cusub ee COVID-19 ee dunida
 


Khamiis, May 21, 2020 (HOL) - Hay’adda caafimaadka Adduunka ee WHO ayaa waxay ka digeysa xanuunka COVID-19 ee weli sii fidayo, islamarkaana aan weli loo helin xal waara, waxayna tilmaamtay qoraal ay soo saartay in ay muuqato in Caalamka uu wajahayo khatarta taagan ee Coronavirus.

Warkaan oo soo baxay Arbacadii shalay ayey WHO  tilmaantay in marka la soo eego kiisaskii ugu dembeeyay ee la diiwaan-geliyay ay gaarayaan 106,000 ruux oo  qaaday xanuunkan.

Agaasimaha hay’adda caafimaadka Adduunka ayaa qoraal uu soo saaray waxa uu ku sheegay in helidda kiisaska cusub ee COVID-19 , gaar ahaan waddamada dhaqaalahoodu uu yahay dabaqadda dhexe amma kuwa uu hooseeyaba ay tahay mushkilad xoog leh oo mar kale muujin karta in la dagaalankiisa uu u baahanyahay waqti dheer.

Dr. Tewedros Adhanom Gabreyesus ayaa waxa uu hadalkaan uu sii daayay kusoo aadayaa xilli wadarta isku geynta kiisaska Coronavirus ee guud ahaan dunida laga diiwaan-geliyay ay gaarayaan ku dhowaad shan milyan oo xaalad, xanuunkaanna waxa uu guud ahaan kala xeray isu-socodkii caalamka  isagoo baabi’iyay dhaqaalaha dalal badan.

Abdiaziz Ahmed Barrow, Hiiraan Online
[email protected] 












Click here
5/21/2020 10:29 AM EST
Khamiis, May 21, 2020 (HOL) - Jubbaland ayaa ku eedeeysay dowladda federaalka in ay masuul ka tahay xaaladaha siyaasadeed ee kasoo cusboonaaday gobolka, islamarkaana ku eedeeysay dowladda in ay jabisay dastuurka federaalka iyo kan Jubbaland.

5/21/2020 7:37 AM EST
Khamiis, May 21, 2020 (HOL) - Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi ayaa sheegay in Somaliland ay diyaar u tahay in ay kiiskeeda ictiraaf raadinta geyso maxkamadda caalamiga ah ee ICJ haddii wadahadalada Soomaaliya laga gaarin natiijada la doonayo.

5/21/2020 5:33 AM EST
Khamiis, May 21, 2020 (HOL) - Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda ayaa sheegay in dagaalku ay ku dhinteen dad gaaraya 300 oo ruux, tiro bandanna ay ku dhaawacmeen, kaas oo ah isku dhac u dhexeeyo qowmiyadaha Murle iyo Lou Nuer ee ku nool gudaha dalka Suudaanta Koonureed, waxaana dadka dhintay kamid ah 3 shaqaale ah oo ka shaqeynayay arrimaha gar-gaarka

5/21/2020 5:05 AM EST
Khamiis, May 21, 2020 (HOL) - Waxaa warbixin laga dhageystay guddigii dhowaan labada Aqal ee baarlamanka Soomaaliya ay u xil-saareen dhameystirka hab-raaca sharciyada doorashooyinka dalka, iyagoo soo bandhigay halka ay wax u marayaan iyo qorshaha la sugayo oo ay soo dhiraan-dhiriyeen.

5/21/2020 4:33 AM EST
Khamiis, May 21, 2020 (HOL) - Wasaaradda cadaaladda dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland Cawil Shiikh Xaamud oo goor dhow la hadlay warbaahinta ayaa waxa uu sheegay in salaadda Ciidda aan lagu tukan Karin masaajidda deegaannada uu maamulkaasi ka arrimiyo.

5/21/2020 3:58 AM EST
Khamiis, May 21, 2020 (HOL) - Madaxweynaha Maamulka Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare ayaa waxaa uu dowladda Soomaaliya ka codsatay in loo soo jeesto wax ka qabashada arrimaha fataahadda ka taagan magaalada Beledweyne ee xarunta Gobolka Hiiraan oo ay hadda ka barakaceen qoysas badan.

5/21/2020 3:49 AM EST
Khamiis, May 21, 2020 (HOL) - Howl-galka xalay lagu burburiyay goobahaan ganacsi ee ku yaallay hareeraha waddada Maka Al-mukarama , gaar ahaan laammi yaraha Soobbe, ayaa waxa uu ahaa mid ay joogeen madaxda gobolka Banaadir, waxay ahaayeen ganacsiyada la jajabiyay kuwa ay ku shaqeysan jireen haween danyar ah oo ku nool caasimadda dalka.