3/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, May 20, 2020
Fatahaada Beledweyne oo saameeyn ku yeelatay u diyaar garowga Ciidul-fitriga


Arbaco, May 20, 2020 (HOL) - Fatahaada wabiga Shabeelle uu ka geeystay magaalada Beledweyne ayaa saameeyn xoogan ku yeelatay shacabka magaalada iyo goobihii ganacsiga, waxaana sidoo kale xirmay isu-socodka dadka iyo gaadiidka.

Maalmaha ciidul-fitriga oo ka mid ah maalmo aay muslimiintu aad  u faraxsanyihiin ayaa shacabka Beledweyne waxaay ku suganyihiin xaalad aad u adag maadaama aay ku dhibaateeysan yihiin daafaha magaalada oo aay u barakaceen.

Suuqyada ayaa xirmay, waxaa burburay inta badan guryihii aay dadku daganaayeen, waxaana magaaaladu aay wehel u tahay biyaha wabiga oo kusoo rogmaday.

Goobo ganacsi oo aad u kooban islamarkaana lagu iibiyo dharka raga iyo dumarka ayaa ka furan gudaha magaalada, waxaana la sheekeeysanay qaar kamid ah ganacsatada. “Ganacsi fiican kama jiro halkaan waxaan maalintii oo dhan noo yimaada dad yar, dadkii oo dhan waay barakaceen”. Sidaas waxaa yiri Cabdisalaan Cumar oo kamid ah ganacsatada dharka Beledweyne.

Marka laga yimaado ganacsiga, dadka barakacay ayaa wajahaya xaalad aad u adag oo dhinaca nolosha ah, waxaana aay inoo xaqiijiyeen inaaysan weli haaysan hooy, biyo nadiif ah iyo musqulo, mana jirto cid ilaa hada gargaar rasmi ah gaarsiisay shacabka ka barakacay fatahaada Beledweyne.


Hiiraan Online News Desk












Click here
5/20/2020 6:41 AM EST
Arbaco, May 20, 2020 (HOL) - Wakiilka Gaarka ah ee Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika (SRCC) ee Soomaaliya, Danjire Francisco Madeira, ayaa sheegay inuu ka xun yahay dilka Guddoomiyaha Gobolka Mudug ee Puntland, Mr. Axmed Muuse Nuur.

5/20/2020 6:05 AM EST
Arbaco, May 20, 2020 (HOL) - Madaxweynahii hore ee Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud ayaa ka hadlay arrinta la xiriirta dacwadda badda oo markii seddexaad dib loo dhigay xalay, waxa uuna sheegay in afar sano kadib meesheedii taagantahay oo aysan jirin wax is-bedal ah oo kusoo kordhay.

5/20/2020 5:44 AM EST
Arbaco, May 20, 2020 (HOL) - Tafaasiil dheeraad ah ayaa kasoo baxeysa qarax miino oo saakay lala eegtay sargaal sare oo ka tiirsan ciidanka booliska Soomaaliya oo ka dhacay degmada Hodan ee Gobolka Banaadir ,

5/20/2020 5:39 AM EST
Arbaco, May 20, 2020 (HOL) - Taliyaha hogaanka Caafimaadka ee booliska Soomaaliyeed, Generak Cali Xirsi Barre (Cali Gaab), ayaa ka badbaadey qarax lala Beegsaday oo ka dhacay isgoyska Banaadir ee magalada Muqdisho.

5/20/2020 5:10 AM EST
Arbaco, May 20, 2020 (HOL) - Midowga Yurub ayaa soo dhoweeyay hadalkii dhowaan ka soo yeeray Madaxweynaha Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ee ku aaddan dib-u-habeynta Xeerka Ciqaabta Soomaaliya ee soo baxay 1964.