3/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, May 20, 2020
Taliyaha hogaanka Caafimaadka booliska Soomaaliya oo ka badbaaday qarax gaarigiisa lala eegtay
 

Arbaco, May 20, 2020 (HOL) - Taliyaha hogaanka Caafimaadka ee booliska Soomaaliyeed, Generak Cali Xirsi Barre (Cali Gaab), ayaa ka badbaadey qarax lala Beegsaday oo ka dhacay isgoyska Banaadir ee magalada Muqdisho.

Hal askari oo katirsanaa ciiddanka ilaaladiisa ayaa ku geeriyooday qaraxaasi waxaana ku dhaawacmey 3 kale.

Taliyaha oo wareysi kooban laga qaaday qaraxa kadib ayaa sheegay in xilliga qaraxa lala eeganayay uusan la socon gaarigiisa.

“Hal saac oo subaxnimo ayuu gaarigayga igeeyay xerada ciiddanka, kadibna wuu igasoo noqday si usoo qaado sarkaal kale. Isagoo marayay inta udhexeysa isgoyska Banaadir iyo wakaalada biyaha ayuu la kulmay qarax, waxaana halkaas ku geeriyooday Xamse Maxamed Axmed Mooge,” ayuu yidhi Cali Gaab.

Cali Gaab ayaa xilal kala duwan kasoo qabtay booliiska Soomaaliya, waxaana uu mar soo noqday taliyaha ciiddana booliiska gobolka Banaadir iyo taliyaha ciiddanka taraafikada gobolka Banaadir.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]












Click here
5/20/2020 1:51 PM EST
Arbaco, May 20, 2020 (HOL) - Fatahaada wabiga Shabeelle uu ka geeystay magaalada Beledweyne ayaa saameeyn xoogan ku yeelatay shacabka magaalada iyo goobihii ganacsiga, waxaana sidoo kale xirmay isu-socodka dadka iyo gaadiidka.

5/20/2020 6:41 AM EST
Arbaco, May 20, 2020 (HOL) - Wakiilka Gaarka ah ee Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika (SRCC) ee Soomaaliya, Danjire Francisco Madeira, ayaa sheegay inuu ka xun yahay dilka Guddoomiyaha Gobolka Mudug ee Puntland, Mr. Axmed Muuse Nuur.

5/20/2020 6:05 AM EST
Arbaco, May 20, 2020 (HOL) - Madaxweynahii hore ee Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud ayaa ka hadlay arrinta la xiriirta dacwadda badda oo markii seddexaad dib loo dhigay xalay, waxa uuna sheegay in afar sano kadib meesheedii taagantahay oo aysan jirin wax is-bedal ah oo kusoo kordhay.

5/20/2020 5:44 AM EST
Arbaco, May 20, 2020 (HOL) - Tafaasiil dheeraad ah ayaa kasoo baxeysa qarax miino oo saakay lala eegtay sargaal sare oo ka tiirsan ciidanka booliska Soomaaliya oo ka dhacay degmada Hodan ee Gobolka Banaadir ,

5/20/2020 5:10 AM EST
Arbaco, May 20, 2020 (HOL) - Midowga Yurub ayaa soo dhoweeyay hadalkii dhowaan ka soo yeeray Madaxweynaha Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ee ku aaddan dib-u-habeynta Xeerka Ciqaabta Soomaaliya ee soo baxay 1964.