3/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, May 19, 2020
Ganacsatada Qaadka Kenya oo sheegay gobolka Meru inuu galay faqri aad u xun ah markii la joojiyay Qaadkii Soomaaliya
 

Talaado, May 19, 2020 (HOL) - Ganacsatada Qaadka iyo Beeraleyda Mira  ee dalka Kenya ayaa waxay dhigeen mudaaharaad ay kagasoo horjeedaan xayiraada saaran Qaadka Soomaaliya loo dhoofin jiray oo ku dhawaad muddo saddex bilood xayiran.

Dowladda Soomaaliya ayaa u xayirtay soo dejinta Qaadka dalka gudihiisa iyadoo laga hortagayo faafitaanka cudurka safmarka ah ee coronavirus.

Balse, Qaadka ayaa magaalada Muqdisho iyo meelo katirsan gobolada koonfurta Soomaaliya ku taga hab qarsoodi ah, iyada oo la adeegsanayo in lagusoo Qaado Doomo kasoo shiraacda xeebaha gobolka Lamu ee Kenya.

Isbahaysiga ganacsatada daroogada, beeralleyda, ururada ganacsatada iyo kooxaha diimaha ee Kenya waxay u ololeynayaan inay ku guuleystaan dhoofinta alaabada ay ka mid yihiin Qaadka, iyagoo dowladda Soomaaliya ugu yeeray inay xayiraada ka qaado qaadka.

Ganacsatada oo fariin u diray dowladooda ayaan rumeysan Qaadka la'aantiisa (Meru) in magaaladoodu ku noolaan doonto faqri aad u xun.

Waxay sidoo kale walaac hor leh ka muujiyeen xayiraada saaaran xaafadda Islii ee Soomaalidu ku badan tahay, kadib markii lagusoo rogay bandow xoogan, taasoo keentay inuu istaago ganacsigii Qaadka ee xaafaddaas.

Dowladda Kenya ayaa maalin walba dhaqaale xoogan ka heli jirtay Qaadka ay u dhoofiso Soomaaliya. Waxaana joojintaan ay sababtay inay hoos  udhacdo nolasha qoysas badan oo ku tiirsanaa ka ganacsiga Qaadka.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]












Click here
5/19/2020 2:14 PM EST
Talaado, May 19, 2020 (HOL) - Garsoorka maxkamadda caddaaladda caalamiga ah ee ICJ ayaa ku dhawaaqay in mar kale dib loo dhigay waqtiga dhageysiga dacwadda muranka badda ee u dhaxeeya Soomaaliya iyo Kenya.

5/19/2020 1:24 PM EST
Talaado, May 19, 2020 (HOL) - Hay’ada caafimaadka aduunka ee WHO ayaa maanta kaalmo caafimaad ku wareejisay wasaarada caafimaadka Hirshabeelle, waxaana kaalmadan aay isugu jirtay daawooyin iyo qalab looga hortago Covid19.

5/19/2020 9:28 AM EST
Talaado, May 19, 2020 (HOL) - Waxaa maanta deegaanka Godob-jiiraan ee gobolka Nugaal ka bilowday buufinta Ayaxa oo ay sameynayaan diyaarado dhowaan lagu wareejiyay dowladda Soomaaliya islamarkaana hadda ku sugan maamulkaasi.

5/19/2020 9:12 AM EST
Talaado, May 19, 2020 (HOL) - Maxamuud Axmed Nuur “Tarsan” safiirka Jamhuuriyadda Soomaaliya ee Kenya ayaa waxa uu ka jawaabay warbixin uu sii daayay Telefashinka Citizen ee fadhigiisu yahay Nairobi oo sheegay in safaaradda Soomaaliya ay heshiis qarsoodi ah la gashay cisbitaal ku yaalla magaalada Nairobi gaar ahaan xaafadda Islii .

5/19/2020 9:05 AM EST
Talaado, May 19, 2020 (HOL) - Xafiiska Xeer Ilaalinta Guud ee Qaranka ayaa maanta shaaca ka qaadday inay gacanta ku hayaan Dad ku eedeysan ganacsi sharci darro ah.

5/19/2020 8:35 AM EST
Talaado, May 19, 2020 (HOL) - Dowladda Soomaaliya ayaa maanta shaacisay inuu billowday qorshaha ciribtirka fayruska Covid-19, xilli toddobaadyadii u dambeeyay uu fayruska ku faafay caasimadda Muqdisho iyo gobollada kale.

5/19/2020 8:14 AM EST
Talaado, May 19, 2020 (HOL) - Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya,Mudane Xildhibaan Sadik Xirsi Warfa iyo Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa caasimadda Muqdisho, Mudane Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish) ayaa maanta si wadajir ah u saxiixay mashruuc lagu caawinayo dadka danyarta ah ee nugul, oo wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ay maanta ku wareejisay gobolka Banaadir.

5/19/2020 4:07 AM EST
Talaado, May 19, 2020 (HOL) - Madaxweyne ku xigeenka Puntland, Axmed Karaash ayaa cuno qabatayn laga saaaray in wararkiisa lagu baahiyo xarumaha warbaahinta ku hadasha afka maamulka Puntland, sida PuntlandTv iyo barta internetka.