4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, May 18, 2020
Wasiirka Kaluumaysiga Dawlada Federaalka iyo wefti uu hogaaminayo oo gaadhey Buuhoodle iyo xaalad ka taagan


Isniin, May 18, 2020 (HOL) - Wasiirka Wasaaradda Kaluumaysiga Soomaaliya Cabdilaahi Bidhaan Warsame iyo weftigiisa ayaa si diiran loogu soo dhoweeyey Garoonka diyaaradaha ee Buuhoodle.

Weftigan ayaa inta laga warhayo wadey agab caafimaad oo qayb ka ah dadaalka la doonayo in lagaga hortago caabuqa COVID-19 lamase sheegin wax talaaba ah oo intaas ka baxsan oo warbaahinta lala wadaagey.

Wasiirka iyo weftigiisa ayaa loo gelbiyey dhinaca magaalada  iyadoo ay weheliyaan agabkii caafimaad ee ay wadeen halkaas oo la filayo ku talagalka shixnadan oo la geyn doono sida xogaha lagu helayo degaanada goobaha caafimaad leh ee aan maamulka Somaliland iyo Puntland midna ku tiirsanayn walow xaqiiqada la ogaan doono saacadaha soo fool leh.

Dhinaca kale waxaa illaa xalay degaankaas ka taagnaa muran iyo dhaqdhaqaaq ciidan oo ku lid ahaa imaashaha weftigan inkasta oo markii danbe hawshaas la sheegay in hoos loo dhigay, waxaase la xaqiijinayaa in ay markasta xiisad aloosmi karto maadaama ciidamo badan oo kala hadaf ah ay joogaan sida Somaliland, Puntland, kuwo Federaalka ku tiirsan iyo Itoobiyaba.

Si kastaba ha ahaatee waa shixnadii ugu horeysey ee soo gaadha degaankaas iyadoo awal wixii u imaanaya ay soo marijireen Puntland iyo Somaliland, waxaana dadbadani is weydiinayaan ma sii socon doontaa mise waa Shuux.

Seynab Cabdi Warsame, Hiiraan Online
[email protected]
Laascaanood