3/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, May 18, 2020
Al-Shabaab oo u yeeray in ka badan 70 milkiilayaasha ganacsiyada Muqdisho si ay canshuur uga qaataan
 

Isniin, May 18, 2020 (HOL) - In ka badan 70 maamulayaal ganacsi oo Muqdisho fadhigoodu yahay ayaa looga yeeray degaanada Shabaabku maamulaan, ilo xog-ogaal u ah amniga ayaa u sheegay warbaahinta Horn Observer.

Kooxda Al-shabaab ayaa la kulantay milkiilayaasha ganacsiyada kala duwan ee caasimada oo ay ku jiraan dharka, maqaayadaha, hoteelada, farmasiiyada, dukaamada waaweyn, dukaamada cuntada iyo alaabada gawaarida iibiya.

Kulankaan ayaa ka dhacay tuulada Basra ee gobolka Shabeellaha Hoose, oo qiyaastii 30 kiiloomitir waqooyi ka xigta Muqdisho habeennimadii Isniinta. 11-kii Maajo, halkaasoo oo ay kula kulmeen afar sarkaal oo ka tirsan guddiga  ururinta zakada ee al-Shabaab.

Inta badan maamulayaasha ganacsi ee la kulmay Al-shabaab waxay ka socdeen shirkaddaha qaabilsan soo dejinta iyo dhoofinta, laakiin waxaa jiray milkiileyaal ganacsato yaryar ah oo badidooda ka ganacsada suuqyada Xamarweyne, Bakaaro iyo wadada Maka al-Mukarama.

Qaar kamid ah ayaa bixiyay waxay ugu yeereen Zakada ama ballanqaaday inay bixin doonaan bishaan gudaheeda, sida uu warbaahinta u sheegay ganacsade ka soo qeyb galay kulanka oo sababa amni u qariyay magaciisa.

Wada hadalada Al-shabaab iyo ganacsatada ayaa qaatay waqti dheer ilaa subixii talaadada, kadib markii qaar kamid ah ganacsatadu ka cawdeen in laga qaado tobanaan kun oo dollar, una baahan yihiin in laga dhimo lacagtaas.

“Markii ganacsatada ay ka baxaan magaalada Muqdisho, waxay horeyba diyaar la yihiin lacagtooda. Waxaan qiyaaseynaa 75 Ganacsade ayaa bixiyay intii u dhaxaysay Isniinta ilaa Talaadada toddobaadkan qiyaas ku kacaya USD250,000 illaa USD350,000 oo gacanta u gashay Al-shabaab.

Dhinaca kale hal dukaan dharka lagu iibiyo oo ku yaal Xamarweyne ayaa u xaqiijiyay Horn Observer inuu bixiyay $ 2,500 ka dib wada hadalo dheer.

“Dukaankaygu ma ahan mid weyn laakiin waxay saraakiisha cashuuraha al-Shabaab iga codsadeen inaan bixiyo USD4,000. Waxaan bixiyay USD2,500 ka dib wadahadalada, "milkiilaha bakhaarka ayaa u sheegay Horn Observer.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]












Click here
5/18/2020 9:30 AM EST
Isniin, May 18, 2020 (HOL) -Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe ayaa ka qaybgalay shir ay soo qaban qaabisay Qaramada Midoobay kaa oo looga hadlay arrimo ay kamid yihiin xaaladaha dalka guud ee dalka, arrimaha doorashooyinka iyo caqabadaha hortaagan.

5/18/2020 6:06 AM EST
Isniin, May 18, 2020 (HOL) - Wasiirka Wasaaradda Kaluumaysiga Soomaaliya Cabdilaahi Bidhaan Warsame iyo weftigiisa ayaa si diiran loogu soo dhoweeyey Garoonka diyaaradaha ee Buuhoodle.

5/18/2020 5:52 AM EST
Isniin, May 18, 2020 (HOL) - Guddi baaritaan oo ka socday dowladdaha Soomaaliya, Kenya iyo Ethiopia ayaa tagay magaalada Bardaale ee gobolka Bay, si ay u guda galaan baaritaanka diyaaradii kusoo dhacday agagaarka garoonka diyaaradaha Bardaale.

5/18/2020 1:43 AM EST
Isniin, May 18, 2020 (HOL) - Iyadoo uu haatan gabagabo yahay xili roobaadkii Gu'ga ayaa laga dayrinayaa degaano badan oo ka mid ah gobolka Sool iyadoo ay jiraan duulaamo ayax ah oo ku habsadey dhul daaqsimeedkii biyo gu ku hooreen intoodii badnayd.

5/18/2020 1:12 AM EST
Isniin, May 18, 2020 (HOL) - Puntland iyo Somaliland ayaa ku dhawaaqay inay xayiraadii ganacsi ka qaadeen Qaadka ka imaan jiray dalka Ethiopia, kadib markii labadaas maamul ay horey u joojiyeen.