3/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, May 18, 2020
Puntland iyo Somaliland oo xayiraadii ka qaaday Qaadka imaan jiray degaanadooda
 

Isniin, May 18, 2020 (HOL) - Puntland iyo Somaliland ayaa ku dhawaaqay inay xayiraadii ganacsi ka qaadeen Qaadka ka imaan jiray dalka Ethiopia, kadib markii labadaas maamul ay horey u joojiyeen.

Somaliland ayaa sheegtay iyadoo fulinaysa heshiis ay la gashay ganacsatada Qaadka in ay fasaxday keenitaanka Qaadka, inkastoo ay raacisay awaamiir caafimaad, si loo ilaaliyo caafimaadka bulshada.

Maaamulka Puntland ayaa isna soo saaray bayaan uu ku sheegayo Laga bilaabo maanta oo ah 18ka May 2020 in xayiraadii laga qaaday ka ganacsiga Qaadka, waxaana loogu baaqay dadka Qaadka keena inay ilaaliyaan oo ay ku dhaqmaan talooyinka caafimaadka.

Puntland ma sheegin sababta ay ku fasaxday Qaadka, balse wuxuu go’aankaan qeyb ka ahaa xayiraad guud oo laga qaaday isu socodka dadka, xarumaha ganacsiga iyo Keenista Qaadka ee deegaanada Puntland.

Labada maamul ayaa maalmihii lasoo dhaafay dagaal adag kula jiray dadka sida sharci darrada ah Qaadka kusoo galiya degaanadaas.

Xayiraadaan laga qaaday qaadka ayaa kusoo aadaysa iyadoo weli ay sii kordhayso faafitaanka iyo halista cudurka Covid19.

Wasaaradda caafimaadka Soomaaliya ayaa dhawaan ka digtay halista caafimaadka ee Qaadka iyo sida uu uga qeyb qaadan karo faafitaanka cudurka Coronavirus.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]












Click here
5/18/2020 9:30 AM EST
Isniin, May 18, 2020 (HOL) -Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe ayaa ka qaybgalay shir ay soo qaban qaabisay Qaramada Midoobay kaa oo looga hadlay arrimo ay kamid yihiin xaaladaha dalka guud ee dalka, arrimaha doorashooyinka iyo caqabadaha hortaagan.

5/18/2020 6:06 AM EST
Isniin, May 18, 2020 (HOL) - Wasiirka Wasaaradda Kaluumaysiga Soomaaliya Cabdilaahi Bidhaan Warsame iyo weftigiisa ayaa si diiran loogu soo dhoweeyey Garoonka diyaaradaha ee Buuhoodle.

5/18/2020 5:52 AM EST
Isniin, May 18, 2020 (HOL) - Guddi baaritaan oo ka socday dowladdaha Soomaaliya, Kenya iyo Ethiopia ayaa tagay magaalada Bardaale ee gobolka Bay, si ay u guda galaan baaritaanka diyaaradii kusoo dhacday agagaarka garoonka diyaaradaha Bardaale.

5/18/2020 1:43 AM EST
Isniin, May 18, 2020 (HOL) - Iyadoo uu haatan gabagabo yahay xili roobaadkii Gu'ga ayaa laga dayrinayaa degaano badan oo ka mid ah gobolka Sool iyadoo ay jiraan duulaamo ayax ah oo ku habsadey dhul daaqsimeedkii biyo gu ku hooreen intoodii badnayd.

5/18/2020 1:18 AM EST
Isniin, May 18, 2020 (HOL) - In ka badan 70 maamulayaal ganacsi oo Muqdisho fadhigoodu yahay ayaa looga yeeray degaanada Shabaabku maamulaan, ilo xog-ogaal u ah amniga ayaa u sheegay warbaahinta Horn Observer.