3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, May 16, 2020
Soomaaliya oo ku gacan seyrtay codsi ka yimid Kenya oo la xiriiray arrinta kiiska badda ee yaalla maxkamadda ICJ
 

Sabti, May 16, 2020 (HOL) - Ra’iisul wasaare ku xigeenka Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed ayaa waxa uu ka hadlay arrinta ku saabsan dacwadda badda ee taalla maxkamadda cadaaladda adduunka ee ICJ, una dhexeysa waddamada Soomaaliya iyo Kenya, kadib markii warbaahintu ay sii daysay macluumaad muujinaya in xukuumadda Nairobi ay codsatay in dib loo dhigo markii seddexaad garmaqalka labada dal  sababa jiro oo hadda ay wajahayaan labada dalba dib loogu dhigo.

Mahdi Guuleed oo la hadlay laanta Afka Soomaaliga ah ee BBC-da ayaa waxa uu sheegay in marnaba Soomaaliya aysan aqbali Karin in kiiskaas dhageysigiisa dib loo dhigo, islamarkaana  ay ku gacan seyreen codsiga Kenya ee ahaa in sababo la xiriira xanuunka COVID-19 dartiis  dib loo madlo  garmaqalka maxkamadda.

“waxaan doonayaa in aan iftiimiyo in dowladda Kenya ay rabtay mar walba in ay dib u dhigto, dacwadda amma ay isku daydo in meel ka baxsan maxkamadda caalamiga ah  wax lagu xalliyo, innaga mowqifkeennu wuxuu yahay in mar walba maxkamadda iyo qawaaniinta caalamiga ah ee dunida ku heshiisay si nabad ah oo amni ah loogu kala baxo” ayuu yiri ra’iisul wasaare ku xigeenka Soomaaliya Mahdi Guuleed.

Mar wax laga weydiiyay haddii Kenya ay ka cabaneyso qarashaadka ku baxaya maxkamadda iyo qareennada difaacaya,  Soomaaliya oo tag ahaan ka jeeb yar Kenya , halka lacagtaas ay ka keeneyso ? waxa uu ku jawaabay in arrintaasi ay sax tahay, hase-ahaatee la kari karayo ,balse Soomaaliya ay ka bixineyso miisaaniyaddeeda yar.

Waxa uu sidoo kale sheegay in Kenya ay dhowr jeer isku dayday in kiiskaasi loo galo hab diblumaasi ah, sida in lagu xalliyo wada-hadal amma la geeyo meelo ay kamid tahay midowga Afrika, balse Soomaaliya taasi ay aqbali weysay.

Dhageysiga kiiska muranka badda ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Kenya ayaa waxaa loo balansanyahay 8-da Juun 2020.

Abdiaziz Ahmed Barrow, Hiiraan Online
[email protected]












Click here
5/16/2020 6:46 PM EST
Sabti, May 16, 2020 (HOL) - Dowladda Qatar, ayaa Sabtidii maanta Muqdisho kasoo dajisay deeq gargaar caafimaad oo deg deg ah oo ay ugu talo gashay Soomaaliya, si looga hortago loona xakameeyo faafitaanka corona (Covid-19).

5/16/2020 5:34 PM EST
Sabti, May 16, 2020 (HOL) - Bangiga adduunka ayaa oggolaaday $ 137 milyan oo doollar si loogu xoojiyo dagaalka Soomaaliya ee ka dhanka ah COVID19, abaarta iyo fatahaadaha.

5/16/2020 12:43 PM EST
Sabti, May 16, 2020 (HOL) - Hal qof ayaa ku dhintay fatahaada wabiga Shabeelle kadib markii aay qaadeen biyo xowli ah oo kasoo rogmaday wabiga, waxaana lasoo badbaadiyay in kabadan 10 qof.

5/16/2020 6:49 AM EST
Sabti, May 16, 2020 (HOL) - War kasoo baxay goor dhow wasaaradda caafimaadka Somaliland ayaa waxaa lagu sheegay in 19 xaalad oo cusub oo COVID-19 ah laga helay deegaannadaasi, taas oo kor usii qaadday guud ahaan tirada uu soo riday xanuunka Coronavirus.

5/16/2020 5:24 AM EST
Sabti, May 16, 2020 (HOL) - War qoraal ah oo kasoo baxay midowga Yurub ayaa waxaa lagu sheegay in lacag dhan €105.5 ay ku taageerayaan waddamada ku yaalla geeska bari ee qaaradda Afrika, si wax looga qabto xaaladaha Bani-aadannimo ee ka taagan dalalkaasi.

5/16/2020 4:54 AM EST
Sabti, May 16, 2020 (HOL) - Diyaarad sidday gargaar caafimaad oo ka socday waddanka Qatar ayaa waxay gaartay magaalada Hargeysa ee Somaliland, waxaana loogu tala-galay deeqdaas in lagu caawiyo dadka la xanuunsanaya COVID-19, iyo agabka kale .

5/16/2020 2:27 AM EST
Sabti, May 16, 2020 (HOL) - Dowlada Kenya ayaa lagu soo waramayaa inay la gaartay maxkamada caalamiga ah ee cadaalada (ICJ) inay codsato kordhinta dhageysiga dacwada muranka xadka badda oo sanado socdey.

5/16/2020 1:24 AM EST
Sabti, May 16, 2020 (HOL) - Baarlamaanka Sweden ayaa u codeeyay in Sweden bixiso 2 milyan oo Yuuro oo lagu taageerayo cafinta deynta Soomaaliya uu ku leeyahay Sanduuqa Lacagta Adduunka (IMF).