3/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Mar 24, 2020
Gudoomiyaha xisbiga UCID oo soo jeediyey in duulimaadyada dalka imanaya la joojiyo
 

Talaado, Maarso, 24,   2020  (HOL )– Gudoomiyaha xisbiga UCID Eng;Faysal Cali Waraabe ayaa sheegay in la joojiyo duulimaadyada ka imanaya dalalka uu ka dhacay cudurka Covid19,isla markaana aanu ficil inoo keenin cudurkaasi halista badan.

Gudoomiye Faysal Cali Waraabe oo ka hadlaya cudurkan halista  badan leh ee Covid19 waxa uu yidhi “waxa la moodaa in qiiyaamihii dhacay oo dadkii kala cararayaan, cudurkaasi Corona virus waa mid halis ah, hay’adaheena caafimaadkuna  waa kuwii aan korin ee aynu ugu liidano, marka dadaal badan baa loo baahan yahay sidii la iskaga ilaalin lahaa ama looga hortagi lahaa”.

Gudoomiye Faysal waxa uu soo jeediyey in la joojiyo diyaaradaha Itoobiya ee dalka imanaya, waxaanu yidhi “Itoobiya waxa inooga yimaada qaadka, xashiishada, qamriga hadii cudurkana inoogu darsamo reer Somaliland waa hoogoodda ilaahay ha inaga badbaadiyee, waxaanu leenahay dawladda maadaama oo la sheegay in cudurkani 14 cisho ka bacdi soo ifbaxayo oo duulimaadyadii Itoobiyana inoo furan yahay oo meel kasta ka keenaysa dadka, waa in laba arimood la sameeya, in dadka ay sido 14 cisho la karatimeeyo sida aduunka kale u karatimeeyeen ama in flights la joojiyaa.”

“Hadi duulimaadyada joojino ciyaalka Xamar jooga may joojine cudurka joojiyey oo inaga iska joojinay, marka yaanu ficilku ina sii qaadin oo aanu cudur inoo keenin.”ayuu sii raaciyey hadalkiisa.

Sidoo kale, waxa uu madaxweynaha ku taageeray in golaha wakiilada la iskugu yeedho si loo ansixiyo labadda xubnood ee guddida doorashooyinka ee xisbiyada mucaaradku usoo gudbiyeen, taas oo uu tilmaamay mid muujinaysa in doorasho dalka ka qabsoomayso sanadkan gudihiisa.

Barkhad-ladiif  M. Cumar, Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland.












Click here
3/24/2020 5:57 PM EST
Talaado, Maarso, 24, 2020 (HOL)- Dowladda Soomaaliya ayaa gacanta ku dhigtay saddex boorso oo lagasoo buuxiyay maandooriyaha Qaadka, oo la doonayay in si qarsoodi ah lagusoo galiyo magaalada Muqdisho.

3/24/2020 4:57 PM EST
Talaado, Maarso, 24, 2020 (HOL)- Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada ayaa safiirka Shiinaha ee Soomaaliya kala wareegay Qalab Caafimaad Oo Qeyb Ka Qaadanaya Kahor tagga Faafitaanka COVID-19.

3/24/2020 4:24 PM EST
Talaado, Maarso, 24, 2020 (HOL)- Bangiga horumarinta qaaradda Afrika ayaa shaaciyay in Soomaaliya laga nadiifiyay Lacagihii amaahda ah ee uu ku lahaa Soomaaliya, taasoo gaaraysay $ 122.55 milyan oo dollar.

3/24/2020 9:37 AM EST
Talaado, Maarso, 24, 2020 (HOL)- Nin ka soo jeeda gobolka Yunnan ee Shiinaha ayaa laga helay cudurka Hantavirus isniintii taasoo keentay argagax ka dhex jira muwaadiniinta adduunka oo wali la dhibaatoonaya cudurka 'Cohannavirus' ee ka yimid China.

3/24/2020 7:59 AM EST
Talaado, Maarso, 24, 2020 (HOL)- Cabdiqaadir Maxamed Faarax (Biriq), oo ka mid ahaa ciyaartoydii hore ee Soomaaliya ayaa dalka Ingiriiska ugu geeriyooday cudurka Coranavurus.

3/24/2020 7:21 AM EST
Talaado, Maarso, 24, 2020 (HOL)- Puntlland ayaa dib uga laabatay go’aan maalintii shalay kasoo baxay guddiga ka hortagga faafitaanka cudurka Coranavirus, kuwaas oo shaacisay in muddo labo tobadaad ah la xirayo goobaha cibaadada, sida masaajida.

3/24/2020 5:08 AM EST
Talaado, Maarso, 24, 2020 (HOL)-Wararka naga soo gaaraya gobolka Shabeellaha Hoose ayaa sheegaya in ciidamada dowladda Soomaaliya waddaan dhaqdhaqaaqyo militari oo ka dhan ah deegaannada ay gobolka ka maamulaan Al-shabaab.