3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Mar 22, 2020
Dowladda oo sheegtay in ay qabatay sarkaal ka tirsan Ururka Al-shabaab

 

Axad, Maarso, 22, 2020 (HOL)-Kaddib howlgal ciidamada dowladda Soomaaliy ay ka sameeyeen degmada Janaale ee gobolka Shabeellaha Hoose oo dhawaan ay la wareegeen ayeey sheegeen in ay ku qabteen sarkaal ka tirsan Ururka Al-shabaab

Saraakiisha ayaa sheegay in howlgalkan ay ku qabteen madaxii Amniyaadka Gobolka Shabeellaha Hoose ee Ururka Al-shabaab oo magaciisa lagu sheegay Xassan Suleyt oo loo yaqaano ''Xasan Ganeey''

Taliyaha  ciidanka Lugta ee xoogga dalka Soomaaliyeed Xamiid Maxamed  Dirir oo ku sugan degaanka Janaale ayaa sheegay in sarkaalkan la qabtay xili uu ku dhuumaaleysanayay qeybo ka mid ah degmada Janaale.

Taliyaha ayaa tilmaamay in haatan ay korortay wada shaqeeynta ciidanka iyo dadka degaanka ,isla markaana taasi ay suurtagelisay inay ku guuleystaan Amniga deegaanka Janaale iyo deegaanno kale oo ku yaalla gobolka Shabeellaha hoose.

Al-Shabaab dhankooda weli wax war ah kama soo bixin oo ku  saabsan warkan ka soo yeeray saraakiisha ciidamada dowladda ee lagu sheegay in la qabtay Madaxii Amnyaadka Al-Shabaab ee Gobolka Shabeellaha  Hoose.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
 

 

 













Click here
3/22/2020 6:57 PM EST
Axad, Maarso 22, 2020 - Wararka ka imanaya magaalada Afgooye ayaa sheegaya in qarax maanta ka dhacay agagaarka deegaanka Lafoole lagu dilay taliyihii booliiska ee magaalada Afgooye.

3/22/2020 5:35 PM EST
Axad, Maarso, 22, 2020 (HOL)- Dabley hubaysan oo aan haybtooda la garanayn, ayaa goor dhowayd oo caawo ah magaalada Gaalkacyo ku dilay allaha unaxariistee Mukhtaar Ahmed Omar Tinle, oo kamid ahaa xildhibaanada golaha degaanka Gaalkacyo ee dhinaca Puntland iyo qof kale oo shacab ah.

3/22/2020 9:26 AM EST
Axad, Maarso, 22, 2020 (HOL)- Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdulaahi Deni, ayaa sheegay in ujeedo gaar ah laga leeyahay hadal guddiga Doorashada DFS kasoo yeeray oo ku saabsanaa arrimaha doorashooyinka.

3/22/2020 6:27 AM EST
Axad, Maarso, 22, 2020 (HOL)- Wasaaradda Caafimaadka ee Itoobiya ayaa Axadii maanta shaaca ka qaaday inay xaqiijisay laba kiis oo kale oo ah COVID-19, taas oo tirada guud ee kiisaska ka dhigtay 11.

3/22/2020 5:24 AM EST
Axad, Maarso, 22, 2020 (HOL)- Ugu yaraan 194 qof ayaa ku dhimatay dalka Iran, iyadoo in kabadana 1,000 qofna xaaladooda caafimaad lala tacaalayaa ilaa 6-dii Maarso, kadib markii ay ku sumoobeen cabidda khamriga loo yaqaano bootleg alcohol.

3/22/2020 5:13 AM EST
Axad, Maarso, 22, 2020 (HOL)- Guddiga Caafimaadka Shiinaha ayaa sheegay in aan saddexdii maalmood ee lasoo dhaafay laga helin dalkooda kiisas cusub oo ku saabsan COVID-19.