3/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Mar 20, 2020
Dowladda federalka Soomaaliya oo ku guulaystay inuu dhaqan galo go'aankii lagu joojiyay duulimaadyada caalamiga ah

Jimco, Maarso, 20, 2020 ((HOL)- Maalintii labaad, waxaa si rasmi ah Soomaaliya oo idil uga dhaqan galay go’aan dowladda Soomaaliya ku joojisay duulimaadyada caalamiga ah ee Soomaaliya, sababo la xidhiidha ka hortagga faafitaanka cudurka Coranavirus.

Maanta iyo shalayba, midnaba garoomada ugu waaweyn Soomaaliya ee ku kala yaala magaalooyinka, Muqdisho, Kismaayo, Hargeysa, Bosaso iyo Garowe kama degin wax duulimaad caalami ah.

Dowladda federalka Soomaaliya ayaa shalay dib hawadeeda uga celisay diyaaradda Flydubai (FZ661) oo isku dayday inay ka degto magaalada Hargeysa islamarkaana ay jebiso go’aankii qaran ee kasoo baxay dowladda.

Waxaa sidoo kale saamayntooda la dareemay diyaaradihii Qaadka ee ka imaan jiray magaalada Nairobi, waxaana shalay iyo maantayba laga waayay suuqyada Soomaaliya Qaadkii Miirowga ee ka imaan jiray Kenya, inkastoo uu bedelay mid ka yimaada Ethiopia oo la yiraahdo Hareeri.

Hakinta duulimaadyada caalamiga ah ee Soomaaliya ayaa sii socondoona illaa muddo 15 cishe ah.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]












Click here
3/20/2020 12:29 PM EST
Jimco, Maarso, 20, 2020 ((HOL)- Wasiirka arrimaha dibada Soomaaliya, Ambassador Axmed Ciise Cawad, oo ku hadlayay magaca wafuudii dowladda federalka uga qeyb galay shirkii wadatashiga Puntland, ayaa sheegay inay kasoo horjeedaan qodobo kamid ah war murtiyeedkii shirka lagasoo saaray.

3/20/2020 9:30 AM EST
Jimco, Maarso, 20, 2020 ((HOL)- Diyaarad nuuca dagaalka ah oo Mareykan ah oo bartilmaameedsatay mintidiinta Al-shabaab ee Soomaaliya ayaa todobaadkii hore dishay wiil yar iyo nin da ’ah. Ehelka dadka dhintay ayaa warkaan u sheegay The Intercept.

3/20/2020 9:26 AM EST
Jimco, Maarso, 20, 2020 ((HOL)- Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha JFS Cabdullaahi Cali Xasan, ayaa maanta ka hadlay saameynta uu xanuunka Coronavirus(COVID-19) ku yeeshay Ganacsiga Soomaaliya, waxaana uu carabka ku dhuftay in cudurkaasi aanu illaa hadda saameyn xoog ah ku yeelanin Ganacsiga wadanka balse ay jiraan waxyaabo yar yar oo ay ka mid yihiin waxyaabaha lagu nadiifiyo gacmaha oo qiimahoodu sare u kacay.

3/20/2020 4:05 AM EST
Jimco, Maarso, 20, 2020 ((HOL)-Madaxweynaha dowlad gobolleedka Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare ayaa wareegto uu saaray xilalkii ugu qaaday qaar ka mid ah golihiisa Wasiirrada isaga oo dhan kalana magacaabay Wasiirro cusub.