3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Mar 20, 2020
Wasiirka Ganacsiga oo ka hadlay saameynta Coronavirus ee Ganacsiga Soomaaliya fariin culus na u diray Ganacsatada dalka

Jimco, Maarso, 20, 2020 ((HOL)- Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha JFS Cabdullaahi Cali Xasan, ayaa maanta ka hadlay saameynta uu xanuunka Coronavirus(COVID-19) ku yeeshay Ganacsiga Soomaaliya, waxaana uu carabka ku dhuftay in cudurkaasi aanu illaa hadda saameyn xoog ah ku yeelanin Ganacsiga wadanka balse ay jiraan waxyaabo yar yar oo ay ka mid yihiin waxyaabaha lagu nadiifiyo gacmaha oo qiimahoodu sare u kacay.

Cabdullaahi Cali Xasan, oo maanta shir-jaraa’id qabtay, ayaa sidoo kale na sheegay in illaa hadda wax wer-wer ah aan laga qabin badeecadaha dalka isaga oo carabka ku dhuftay in hada na ay ka Wasaarad ahaan dareensan yihiin saameynta dhaqaale ee uu yeelan karo xanuunkani isla mar ahaantaana ay qorsheynayaan siddii loogga hor-tagi lahaa dhibbaatada uu ku yeelan karo Ganacsiga wadanka.

Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha JFS, wuxu Ganacsatada xasuusiyey in waajib ka saran yahay daryeelka bulshada isla mar ahaantaana loogga baahan yahay inay u naxariistaan shacabka sidoo kale na ay u fududeeyaan waxyaabaha laga ga hor-tagaayo cudurka COVID-19. Waxa kale oo uu Ganacsatada ku dhiiri-geliyey inay doorkooda oo ay dawladda ku taageeraan siddii loogga hor-tagi lahaa.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]












Click here
3/20/2020 12:29 PM EST
Jimco, Maarso, 20, 2020 ((HOL)- Wasiirka arrimaha dibada Soomaaliya, Ambassador Axmed Ciise Cawad, oo ku hadlayay magaca wafuudii dowladda federalka uga qeyb galay shirkii wadatashiga Puntland, ayaa sheegay inay kasoo horjeedaan qodobo kamid ah war murtiyeedkii shirka lagasoo saaray.

3/20/2020 9:30 AM EST
Jimco, Maarso, 20, 2020 ((HOL)- Diyaarad nuuca dagaalka ah oo Mareykan ah oo bartilmaameedsatay mintidiinta Al-shabaab ee Soomaaliya ayaa todobaadkii hore dishay wiil yar iyo nin da ’ah. Ehelka dadka dhintay ayaa warkaan u sheegay The Intercept.

3/20/2020 9:26 AM EST
Jimco, Maarso, 20, 2020 ((HOL)- Maalintii labaad, waxaa si rasmi ah Soomaaliya oo idil uga dhaqan galay go’aan dowladda Soomaaliya ku joojisay duulimaadyada caalamiga ah ee Soomaaliya, sababo la xidhiidha ka hortagga faafitaanka cudurka Coranavirus.

3/20/2020 4:05 AM EST
Jimco, Maarso, 20, 2020 ((HOL)-Madaxweynaha dowlad gobolleedka Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare ayaa wareegto uu saaray xilalkii ugu qaaday qaar ka mid ah golihiisa Wasiirrada isaga oo dhan kalana magacaabay Wasiirro cusub.