3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Mar 20, 2020
Madaxweyne Waare oo xilalka ka qaaday Wasiirro kuwo kalana magacaabay

 

Jimco, Maarso, 20, 2020 ((HOL)-Madaxweynaha dowlad gobolleedka Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare ayaa wareegto uu saaray xilalkii ugu qaaday qaar ka mid ah golihiisa Wasiirrada isaga oo dhan kalana magacaabay Wasiirro cusub.

Madaxweyne Waare ayaa Wasiirka Qorsheynta iyo iskaashiga caalamiga ah Xildhibaan Ismaaciil Maxamed Nuur, halka wasiirka dhalinyarada iyo isboortiga loo magacaabay  xildhibaan Maxamed Cabdi Cali,wasiirka waxbarashada ayaa loo magacaabay Cabdulaahi Abuukar Xuseen sidoo kale waxaa wasiirka biyaha iyo tamarta  loo magacaabay Saalax Maxamed Xasan, wasiir ku xigeenka wasaarada  dastuurka ayaa loo magacaabay xildhibaan Cabdinaafac Macalin Rashiid. 

Ma'aha isku shaandheyntii ugu horreysay ee uu sameeyo madaxweyne Waare tan iyo markii loo doortay xilka, isaga oo dhowr jeer oo hore sidan oo kale  u sameeyay isku shaandheyn iyo magacaabis cusub.

Hoos ka Akhriso Wareegtada :

 

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
 

 













Click here
3/20/2020 12:29 PM EST
Jimco, Maarso, 20, 2020 ((HOL)- Wasiirka arrimaha dibada Soomaaliya, Ambassador Axmed Ciise Cawad, oo ku hadlayay magaca wafuudii dowladda federalka uga qeyb galay shirkii wadatashiga Puntland, ayaa sheegay inay kasoo horjeedaan qodobo kamid ah war murtiyeedkii shirka lagasoo saaray.

3/20/2020 9:30 AM EST
Jimco, Maarso, 20, 2020 ((HOL)- Diyaarad nuuca dagaalka ah oo Mareykan ah oo bartilmaameedsatay mintidiinta Al-shabaab ee Soomaaliya ayaa todobaadkii hore dishay wiil yar iyo nin da ’ah. Ehelka dadka dhintay ayaa warkaan u sheegay The Intercept.

3/20/2020 9:26 AM EST
Jimco, Maarso, 20, 2020 ((HOL)- Maalintii labaad, waxaa si rasmi ah Soomaaliya oo idil uga dhaqan galay go’aan dowladda Soomaaliya ku joojisay duulimaadyada caalamiga ah ee Soomaaliya, sababo la xidhiidha ka hortagga faafitaanka cudurka Coranavirus.

3/20/2020 9:26 AM EST
Jimco, Maarso, 20, 2020 ((HOL)- Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha JFS Cabdullaahi Cali Xasan, ayaa maanta ka hadlay saameynta uu xanuunka Coronavirus(COVID-19) ku yeeshay Ganacsiga Soomaaliya, waxaana uu carabka ku dhuftay in cudurkaasi aanu illaa hadda saameyn xoog ah ku yeelanin Ganacsiga wadanka balse ay jiraan waxyaabo yar yar oo ay ka mid yihiin waxyaabaha lagu nadiifiyo gacmaha oo qiimahoodu sare u kacay.