3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Mar 19, 2020
Go'aankii Dowladda Soomaaliya ay ku hakisay duulimaadyada caalamiga ah oo maanta dhaqan-galaya

 

Khamiis, Maarso, 19, 2020 (HOL)-Waxaa maanta si rasmi ah u dhaqangalaya go'aankii dowladda Soomaaliya ay ka qaadatay duulimaadyada caalamiga ee iman jiray dalka Soomaaliya, kaddib faafitaanka cudurka Coronavirus oo qeyb ahaan laga helay dalalka dariska la ah Soomaaliya.

Go'aankan ka soo baxay dowladda Soomaaliya ayaa dhiggaya muddo 15 cisho ah aanay wax diyaarado  caalami ah dalka imaan doonin, sababo la xiriira ka hortagga cudurka Coronavirus oo adduunka ku faafay, kaasoo ay kumanaan ruux u dhinteen.

Ma jirto duulimaad caalami ah oo saakay ka soo  degay garoonka diyaaradaha Aadan cadde oo maalin walba ay soo caga  dhigan jireen diyaarado ka yimaada dalal kala duwan.

Inta badan dalalka adduunka ayaa joojiyay duulimaadyada caalamiga ah ee dalkooda, si looga hortago cudurkan ka dilaacay adduunka ee sida safmarka ugu faafay.

Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay inay waqti  badan gelineysa sida looga hortegi karo cudurka Coronavirus oo dalal  badan saameyn ku yeeshay, iyadoo illaa hadda Soomaaliya laga helay hal  kiis oo ah muwaadin Soomaali ka yimid dalka China

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
 
 













Click here
3/19/2020 10:58 AM EST
Khamiis, Maarso, 19, 2020 (HOL )– Xukuumada Somaliland ayaa sheegtay inay talaabo ka qaadi doonaan ganacsatada iskudayda inay qaali gareeyaan raashinka si ay uga faa’iidaystaan cabsida laga qabo cudurka Corona Virus.

3/19/2020 9:47 AM EST
Khamiis, Maarso, 19, 2020 (HOL)- Wasaaradda waxbarashada Puntland ayaa si kumeel gaar ah hakisay howlaha waxbarashada muddo labo asbuuc ah oo ka bilaan doonta maalinka Sabtida oo taariikhdu ku beegan tahay 21ka Maarso 2020 kuna eg Jimcaha 3da Abril 2020.

3/19/2020 9:45 AM EST
Khamiis, Maarso, 19, 2020 (HOL)- Dowladda Soomaaliya oo la tacaaleysa inuu faafo fayruska sida daran ugu faafaya dunidda ee COVID- 19, ayaa dhintay shaqaalaha dowladda ee xaadiraya xafiisyada.

3/19/2020 8:27 AM EST
Khamiis, Maarso, 19, 2020 (HOL)- Madaxweynaha maamulka Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni ayaa sheegay in isaga iyo wafdi uu hogaaminayo ay tagi doonaan magaalada muqdisho iyo caasimadaha dowlad gobaleedyada.

3/19/2020 7:32 AM EST
Khamiis, Maarso, 19, 2020 (HOL)-Danjiraha Dowladda Soomaaliya ee midowga Yurub Cali Saciid Fiqi ayaa maanta ka soo muuqday Liiska xildhibaannada cusub ee Baarlamaanka maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya oo maanta lagu dhawaaqay.

3/19/2020 4:18 AM EST
Khamiis, Maarso, 19, 2020 (HOL)- Guddiga kumeel gaarka ah ee doorashadooyinka Puntland, ayaa maanta oo khamiis ah soo bandhigay 17 urur siyaasadeed oo si rasmi ah iskaga diiwaan galiyay guddiga doorashooyinka, saddexdii bilood ee ay furmayd furashada ururada siyaasada, iyadoo ku ekayd 15-march.

3/19/2020 3:14 AM EST
Khamiis, Maarso, 19, 2020 (HOL)- Miinooyin ayaa lagu burburiyay afar kamid ah kaamirooyinkii hay’adda ammaanku ku xireen isgoysyada muhiimka ah ee magaalada Muqdisho, si loola socda dhaqdhaqaqa amniga ee waddooyinkaas.