4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Jun 24, 2020
Wafdi ka socda Gobolka Shabeelle ee dowlad deegaanka Soomaalida oo Beledweyne gaaray


Arbaco, Juun 24, 2020 (HOL) - Waxaa maanta magaalada Beledweyne gaaray wafdi heerkiisu sarreeyo ee uu hoggaaminayo Guddoomiyaha Gobolka Shabeelle ee Ismaamulka Soomaalida Itoobiya Aadan Axmed Sooyaan, waxaana si wey usoo dhoweeyay shacabka magaaladaasi iyo maamulka Gobolka Hiiraan.

Ujeeddada socdaalka wafdigaan ayaa waxa uu yahay sidii kulan ay ula qaadan lahaayeen maamulka Gobolka Hiiraan islamarkaana xal looga gaari lahaa colaaddii ka dhacday tuulada Aabaaley oo ku taalla xadka labada dal Soomaaliya iyo  Itoobiya.

Imaanshiyaha wafdigaan ee magaalada Beledweyne ayaa daba-socota booqasho horay uu degmada Feer-feer ugu tegay Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan, taas oo ujeedka socdaalka wafdiga gaaray Beledweyne la ujeeddo aheyd.

Labada maamul ee Hiiraan iyo Sheebeelle ee Soomaaliya iyo Itoobiya ayaa hadda u muuqda in ay ka go’antahay in xal loo helo colaadda tuulada Aabaaley.

Abdiaziz Ahmed Barrow, Hiiraan Online
[email protected]