3/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Jun 24, 2020
Dowladda Soomaaliya oo jaamacadda Carabta horgeysay mowqifkeeda ku aadan muranka webiga Niil iyo xaaladda Libiya
 

Arbaco, Juun 24, 2020 (HOL) - Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay inay taageersan tahay in heshiis nabadeed laga gaaro muranka webiga Niil ee ka dhexeeya Masar, Ethiopia iyo koonfurta Suudaan.

Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya, Amb, Axmed Ciise Cawad, ayaa sheegay inuu ka qeyb galay laba kulan oo Jaamacadda Carabtu kaga hadlaysay xaaladda iska horimaadka Liibiya iyo muranka biyo xireenka Niil.

Amb, Cawad, ayaa sheegay inay dowladda Soomaaliya taageersan tahay xalka nabadeed ee Liibiya. Ma sheegin inay dowladdu la safan tahay ama taageersan tahay dhinac kamid ah dhinacyada ku hardamaya dalka Libya.

“Sida aan ognahay webiga Nile waxa uu nolol u yahay Masar iyo Sudan, wuxuu sidoo kale arrin horumar u yahay dadka Ethiopia-da aan saaxiibka nahay, sidaas darteed waxaan ugu baaqeynaa Masar, Sudan iyo Ethiopia inay xiisadda yareeyaan oo ay dhammaan arrimaha taagan ku xalliyaan miiska wada-hadalka, islamarkaana gaaraan heshiis u wada faa’iideynaya Masar, Sudan iyo Ethiopia,” ayuu yidhi wasiir Cawad.

Hadalka wasiirka arrimaha dibadda ayaa kusoo beegmaya, iyadoo dhawaan dalka Masar uu ka codsaday Golaha Amniga ee Qaramada Midoobay inay soo dhex galaan muranka qotada dheer ee kala dhexeeya Itoobiya oo ku saabsan biyo-xireenka weyn ee Niil.

Adis-Ababa ayaa shaaca ka qaaday qorsheyaal lagu bilaabayo $ 4.6 bilyan biye xireenka bisha soo socota, iyada oo aan loo eegin in wax heshiis ah la gaadhay.

Masar iyo Itoobiya labaduba waxay ka dhawaajiyeen tillaabooyin militari oo ay ku ilaalinayaan danahooda, waxeeyna  halis ku tahay inay burburaan wada hadalada.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]












Click here
6/24/2020 6:04 PM EST
Arbaco, Juun 24, 2020 (HOL) - Senataro katirsan guddigii loo xilsaaray dhameystirka xeerarka doorashooyinka Soomaaliya, ayaa kasoo horjeestay hadal kasoo yeeray guddoomiyaha aqalka sare, kaasoo sheegay in wax laga bedelay xeerarka guddigaan soo saareen ee loo gudbiyay barlamaanka labadiisa aqal.

6/24/2020 5:35 PM EST
Arbaco, Juun 24, 2020 (HOL) - Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ku casuumay Madaxweyneyaasha Dowlad Goboleedyada iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir in ay kasoo qeyb galaan Shirka Golaha Amniga Qaranka ee JFS oo ka dhici doona magaalada Muqdisho.

6/24/2020 10:48 AM EST
Arbaco, Juun 24, 2020 (HOL) - Bangiga wayn ee SomBank ayaa heshiis la saxiixday shirkadda Temenos oo ka shaqaysa howlaha horumarinta softaweerada ee ay ku shaqeeyaan qaar ka mid ah bangiyada caalamka.

6/24/2020 9:56 AM EST
Arbaco, Juun 24, 2020 (HOL) - Waxaa maanta magaalada Beledweyne gaaray wafdi heerkiisu sarreeyo ee uu hoggaaminayo Guddoomiyaha Gobolka Shabeelle ee Ismaamulka Soomaalida Itoobiya Aadan Axmed Sooyaan, waxaana si wey usoo dhoweeyay shacabka magaaladaasi iyo maamulka Gobolka Hiiraan.

6/24/2020 9:48 AM EST
Arbaco, Juun 24, 2020 (HOL) - War qoraal ah oo kasoo baxay wasaarada shaqada iyo arrimaha bulshada ee Dowladda Soomaaliya ayaa waxaa lagu fasaxay shaqaalaha rayidka ah ee dowladda Soomaaliya .

6/24/2020 9:32 AM EST
Arbaco, Juun 24, 2020 (HOL) - Madaxweynaha maamulka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor ayaa waxaa maanta si weyn loogusoo dhaweeyay magaalada Cadaado oo uu maanta gaaray, isagoo ay wehlinayaan xubno sare oo kamid ah mas’uuliyiinta Galmudug.

6/24/2020 7:15 AM EST
Arbaco, Juun 24, 2020 (HOL) - Guddoomiyaha aqalka sare ee barlamaanka Soomaaliya ayaa sheegay in la marin habaabiyay oo wax ka bedel lagu sameeyay afar xeer oo ku saabsanaa dhameystirka sharciyadda doorashooyinka Soomaaliya.

6/24/2020 6:54 AM EST
Arbaco, Juun 24, 2020 (HOL) - Jaamacadda Carabta ayaa talaadadii shalay ka codsatay Itoobiya inay ka waantowdo inay bilowdo buuxinta kaydka weyn ee ay ka dhisayso wabiga Niil, kahor inta aysan heshiis la gaarin Masar iyo Suudaan.

6/24/2020 1:59 AM EST
Arbaco, Juun 24, 2020 (HOL) - Guddiga Agaasimayaasha Bangiga Adduunka ayaa ansixiyay $ 55 milyan oo ah Kaalmada Horumarinta Caalamiga ah (IDA) oo lagu taageerayo soo kabashada dhaqaalaha Soomaaliya iyada oo loo sii marayo isbadalka miisaaniyadeed iyo isbadallada siyaasadeed ee kale.

6/24/2020 1:27 AM EST
Arbaco, Juun 24, 2020 (HOL) - Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa u magacaabay Sarreeye Guuto Cabdixamiid Maxamed Dirir oo hore u ahaa Taliyaha Ciidanka Lugta/Dhulka ee Ciidanka Xoogga Dalka inuu noqdo Taliyaha cusub ee Ciidanka Badda.