4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Jun 23, 2020
Puntland iyo Somaliland oo dhalleecayn iyo hanjabaad hawada isku mariyay
 

Talaado, Juun 23, 2020 (HOL) - Puntland iyo Somaliland ayaa hawada isku mariyay hadalo dhalleecayn ah oo ka dhashay kadib markii maalmo kahor madaxweynaha Puntland uu Somaliland ugu baaqay inay ka baxaan gobolka Sool.

Wasiirka warfaafinta Somaliland, Saleebaan Cali Koore, ayaa hadalka madaxweyne Deni ku tilmaamay hadal aan xikmad ka dambaynin, isagoo ugu baaqay madaxweyne Deni inuu Puntland iskusoo celiyo, halkii uu faraha lasoo gali lahaa arrimaha Somaliland iyo xuduudaheeda.

“Waxaan kuugu baaqayaa wax badan inaad ka sa.xdo maamulkaaga ayaa kuu taala, waxaana kuu sheegayaa inaad fara galinta ka dayso xuduudka Somaliland leedahay,” ayuu yidhi Wasiir Saleebaan Koore.

Wasiirka warfaafinta Puntland, Cabdulaahi Cali Xirsi (Timacadde) ayaa isna u jawaabay wasiirka warfaafinta Somaliland, isagoo sheegay in Puntland nabad iyo dagaal midkood ay kusoo ceshandoonto dhulka uga maqan Somaliland.

“Madaxweynuhu wuu ku saxan yahay hadalkiisa, Somaliland waa inay sida ugu dhaqsiyaha badan uga baxdo Sool haddii kale dhiig ayaa ku daadandoono".

Labada wasiir warfaafineed ee ka kala tirsan labada maamul  ayaa ah labo siyaasi oo isku hayb ah oo kasoo wada jeeda gobolka Sool, balse ay siyaasada kala fogaysay.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]