3/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, July 31, 2020
Hay'adda Amnest oo Maraykanka ugu baaqday inuu magdhow siiyo dhibanayaasha rayidka ee duqeymaha cirka ee Soomaaliya
 

Jimco, Luulyo 31, 2020 (HOL) - Kooxda u doodda xuquuqda aadanaha ee Amnesty International ayaa ugu baaqday Mareykanka inuu magdhow siiyo dhibanayaasha rayidka ah iyo qoysaska ay saameeyeen duqeymaha cirka ee Soomaaliya.

Amnesty ayaa baaqaan siidaysay kadib markii Taliska Mareykanka ee Afrika (AFRICOM) uu qirtay in hal qof rayid ah lagu dilay halka saddex kalena lagu dhaawacay duqeyn cirka ah horaantii sanadkan.

Dhacdadu waxay dhacday 2-dii Febraayo meel u dhaw magaalada Jilib ee koonfurta Soomaaliya. AFRICOM waxay soo sheegtey in hal argagixiso la dilay. Waxay sheegtay inay heshay sideed eedaymood oo ah waxyeelada rayidka kadib dhacdadaas.

Amnesty waxay tilmaamtay in warbixinta, tii labaad ee noocan oo kale ah, ay ahayd markii ugu horreysay ee AFRICOM ay si rasmi ah u xaqiijiso warbixin ku saabsan khasaaraha rayidka ee shacabka Soomaaliya ka soo gaara howlgalkooda.

“Waa in ay jirtaa isla xisaabtan iyo magdhawga dhibbanayaasha iyo qoysaskooda, ”ayay tiri Amnesty.

Amnesty waxay xustay in kastoo AFRICOM ay sameysay horumar la taaban karo oo ah qirashada khasaaraha shacabka, hadana in loo baahan yahay in wax badan laga qabto si looga fogaado dhibaatooyinka noocaas ah loona dammaanad qaado qaabkeeda hufnaanta iyo isla xisaabtanka ah.

Warbixintii ugu horreysay ee AFRICOM ee la daabacay Abriil, waxay qireysaa in weerar cirka ah oo dhacay 23-kii Febraayo agagaarka Kunyo Barrow lagu dilay laba qof oo rayid ah laguna dhaawacay saddex kale. Laba ka tirsan dagaalyahannada Al-Shabaab ayaa sidoo kale lagu dilay weerarka cirka.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]












Click here
7/31/2020 11:03 AM EST
Jimco, Luulyo 31, 2020 (HOL) - Shacab weynaha ku nool degmooyinka iyo deegaanada gobolka Hiiraan, sida Baledweyne, Buula burte, Jalalaqsi, Matabaan iyo Maxaas ayaa maanta si weyn u ciiday maalinta koowaad ee Ciidul Adxaa.

7/31/2020 4:43 AM EST
Jimco, Luulyo 31, 2020 (HOL) - Madaxweynaha maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam oo khudbad jeediyay munaasabadda Ciidda Carafo awgeed ayaa waxa uu sheegay in Soomaaliya ay la daalaa-dhaceyso laba caqabadood oo xooggan oo kala ah xanuunka Covid-19 iyo ammaanka oo liita meelo kamid ah dalka.

7/31/2020 4:25 AM EST
Jimco, Luulyo 31, 2020 (HOL) - Madaxweynaha dalka Ivory Coast Alassane Ouattara ayaa wasiirkii difaaca dowladdiisa u magacaabay, ra’iisul wasaaraha waddankaas.

7/31/2020 4:17 AM EST
Jimco, Luulyo 31, 2020 (HOL) - Wasiirkii beeraha ee dalka Zimbabwe Perence Shiri ayaa u geeriyooday xanuunka Covid-19, sida lagasoo xigtay war uu soo saaray madaxweynaha waddankaas, oo sidoo kale shacabka u diray farriin tacsi ah gelinkii dembe ee Khamiista .

7/31/2020 3:38 AM EST
Jimco, Luulyo 31, 2020 (HOL) - Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo ka hadlay xaaladda siyaasadda ee Soomaaliya ayaa waxa uu ka digay in la baajiyo shirka 15-ka Agoosto oo loo madlanyahay inuu ka qabsoomo magaalada Dhuusamareeb ee caasimadda maamulka Soomaaliyeed ee Galmudug.