3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, July 27, 2020
Saacado badan kadib Internet-kii koonfurta Soomaaliya oo dib usoo laabtay
 

Isniin, Luulyo 27, 2020 (HOL) - Ku dhowaad 24 saac oo uu hawada ka maqnaa Internet-ka bartamaha iyo koonfurta Soomaaliya oo ay ku jirto Caasimadda Muqdisho ayaa lagu guuleystay in dib loo soo celiyo.

Internet-ka ayaa u maqnaa cilad farsamo xaggeeda ah,  sida mas'uuliyiin ka tirsan wasaaradda is-gaarsiinta iyo teknoolajiyada ay HOL u xaqiijiyeen.

Ciladda ayaa aheyd dhibaato gaartay Cable-ka badda yaalla ee Internet-ka koonfurta Soomaaliya siiya,  sida uu sheegay wasiirka wasaaradda is-gaarsiinta Soomaaliya  Eng. Cabdi Canshuur.

Dhinaca kale,  wuxuu sheegay iney jiraan qorshaha dhowr Cable oo kale oo xoojin doona halka Cable ee koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya.

Maqnaashiyaha Internet-ka koonfurta Soomaaliya ayaa waxa uu saameyn ku yeeshay dhaqaalaha iyo wax-barashada dalka.

Abdiaziz Ahmed Barrow,  Hiiraan Online
[email protected]












Click here
7/27/2020 4:45 PM EST
Isniin, Luulyo 27, 2020 (HOL) - Khadka Internet-ka ayaa dib ugu soo laabtay Koonfurta & Bartamaha Soomaaliya, kadib markii si ku-meel-gaar ah loo xalliyay cilladdii jirtay, oo sababtay inuu internetku go’o shalay 26kii Luuliyo 2020, saacaddu markay ahay 10:38 barqo.

7/27/2020 11:10 AM EST
Isniin, Luulyo 27, 2020 (HOL) - Golaha wasiirrada Dowladda Soomaaliya ayaa ka hadlay hadalkii kasoo baxay beesha caalamka oo ku saabsanaa sidii ay uga fal-celiyeen kalsooni kala noqoshadii lagu sameeyay xukuumaddii uu hoggaaminayay ra'iisul wasaarahii hore ee Soomaaliya Xasan Cali Kheyre.

7/27/2020 11:07 AM EST
Isniin, Luulyo 27, 2020 (HOL) - Madaxweynaha Puntland Siciid Deni ayaa sharci darro ku tilmaamay habkii uu Baarlamaanka Soomaaliya u riday Raíisal wasaare Xasan Cali Kheyre. wuxuuna tallabaadaas ku sifeeyay mid qorsheysnayd oo lagu burburinayay shirkii Dhuusamareeb iyo waxyaabihii kasoo baxay.