3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Feb 9 , 2020
Muuse Suudi: Senatorada Puntland cadaalad darro awgeed ayay uga baxeen shirka aqalka sare
 

Axad, Feberaayo, 09, 2020 (HOL)- Senator Muuse Suudi Yalaxow oo katirsan aqalka sare ee Soomaaliya ayaa sheegay in ay cadaalad darro awgeed shirka golaha aqalka sare uga baxeen senatorada kasoo jeeda Puntland, kuwaas oo maanta mid kamid ah laga waayay fadhiga.

Muuse Suudi waxa maqnaashaha wakiilada Puntland ku tilmaamay mid aan indhaha laga saaban karin loona baahan yahay in wax laga qabto waxa dhaliyay carradooda.

“Saakay Puntland way joogeen hadana hal mid kama fadhiyo shirka. Waxay ka tageen shaqo xumada maanta socota,” ayuu yidhi Senator Muuse Suudi.

Illaa iyo hadda senatorada Puntland kama hadlin sababta ay uga baxeen hoolka aqalka sare iyo cadaalada darrada ay tabanayaan.

Hase yeeshee, bixitaankooda ayaa la aaminsan yahay inuu qeyb ka yahay khilaafka Puntland iyo dowladda federalka Soomaaliya oo meel xasaasiya maraya.

Madaxweyne Deni ayaa codsi u diray dhammaan wakiilada Puntland dowladda federalka inay 15- bisha saddexaad kasoo qeyb galaan shir wadatashi ah oo looga tashanayo masiirka Puntland ee dowladnimada Soomaaliya.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]












Click here
2/9/2020 11:24 AM EST
Axad, Feberaayo, 09, 2020 (HOL)-Madaxweynaha Dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa shir-doceed kula yeeshay magaalada Addis Ababa Ra’iisul Wasaaraha Canada Mudane Justin Trudeau.

2/9/2020 10:12 AM EST
Axad, Feberaayo, 09, 2020 (HOL)-Waxaa maanta laga dhagax dhigay magaalada Laascaanood ee xarinta gobolka Sool xaruntii laga maamuli lahaa Dab-damiska iyo ciidankii ka hawl geli lahaa.

2/9/2020 10:06 AM EST
Axad, Feberaayo, 09, 2029 (HOL)-Culimada gobolka Awdal oo ay wehelinayan guddida wanaagfarista iyo xumaan reebista gobolkaasi ayaa sheegay inay markhaati u haystaan diintii uu aflagaadeeyey badhasaabka gobolka Awdal Cabdiraxmaan Axmed Cali.

2/9/2020 9:19 AM EST
Axad, Feberaayo, 09, 2020 (HOL)-Maxkamad ku taala magaalada Bosaso ee Puntland, ayaa saddex sano oo xarig ah ku riday sarkaal katirsan wasaaradda kalluumaysiga Puntland oo lagu helay inuu ka ganacsanayay shatiyo been abuur ah oo uu siin jiray ganacsatada kalluunka.

2/9/2020 8:26 AM EST
Axad, Feberaayo, 09, 2020 (HOL)- Senatarada aqalka sare ee kasoo jeeda degaanada dowlad goboleedka Puntland, ayaa faarujiyay kulamada aqalka sare ee ka socda magaalada Muqdisho.

2/9/2020 4:44 AM EST
Axad, Feberaayo, 09, 2020 (HOL)-Taliska ciidamada Mareykanka ee Africa ayaa sheegay in laba duqeyn oo ay Khamiistii la soo dhaafay la beegsadeen dhismo ay Al-Shabab ku leeyihiin meel ku dhow deegaanka Jilib ee gobolka Jubada Dhexe ay ku dhaawaceen laba ka mid ah xogagga Al-Shabab ee halkaa ku sugnaa.

2/9/2020 3:13 AM EST
Axad, Feberaayo, 09, 2020 (HOL)- Agaasimaha Guud ee Xafiiska Korontada iyo Biyaha ee dalka Morocco, Abderrahim El Hafidi, ayaa qaabilay wafdi heer sare ah oo ka socday dowadda Soomaaliya oo ay hogaamineyso wasiirka Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha, Fawzia Mohamed Sheikh.

2/9/2020 1:35 AM EST
Axad, Feberaayo, 09, 2020 (HOL)-Madaxweynaha Dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa lagu waddaa in maanta magaalada Addis Ababa uu uga qeybgalo shir-madaxeedkii 33-aad ee Madaxda Dowladaha iyo dalalka ku mideysan Midowga Afrika oo Maanta ka furmaya Magaalada Addis Ababa ee Caasmadda dalka Itoobiya.