4/16/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Feb 8 , 2020
Aqalka Sare oo lagu wado maanta in uu meel mariyo sharciga doorashooyinka Qaranka

 

Sabti, Feberaayo, 08, 2020 (HOL)-Golaha Aqalka Sare oo maalmihii ugu danbeeyayba dood ka lahaa sharciga Doorashooyinka Qaranka ayaa la filayaa fadhiggooda maanta in ay meelmariyaan sharcigan oo horay ay u soo gudbiyeen xildhibaannada Aqalka Sare.

Kulanka maanta ee Aqalka sare ayaa la filayaa in dood kaddib xildhibaannada codka kalsoonida u qaadaan sharcigan waxaana loo badinayaan in ugu danbeyntii  ay meel mariyaan.

Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa 28-kii bishii December ee sanadkii 2019 ansixiyay sharcigan, waxaana marka uu Aqalka sare meel mariyo la filayaa in Madaxweynaha loo gudbiyo si kama dambeys uu meel mariyo, si ay u dhaqan gasho.

Sharcigan ayaa la oranaa waxaa uu ka mid yahay sharuucdii ugu adkeyd ee soo mara waayadii ugu danbeeyay labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya iyadoo wax ka badal lagu sameeyay qoddobadii ay horay u meel mariyeen Golaha xukuumadda. 

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]