3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Feb 10, 2020
Madaxweyne Farmaajo oo Khudbad ka jeediyey Meertada 33-aad ee Shir Madaxeedka Midowga Afrika


 

Isniin, Feberaayo, 10, 2020 (HOL)-Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo khudbad ka jeediyey Meertada 33-aad ee Shir Madaxeedka Midowga Afrika ayaa soo bandhigay guulaha uu gaaray dalkeenna iyo fursadaha u baahan in si wadajirka ah looga faa’iideysto Qaaradda ahaan.

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa xusay dadaallada Dowladda Federaalka Soomaaliya ee ay ku dabar-gooynayso khatarta argagixisadu ay ku hayaan nolasha muwaadiniinteenna, arrinkaas oo horseedaya xasilinta dalka iyo soo celinta maqaamka aan ku lahayn Afrika.

“Soomaaliya waxaa ay noqon kartaa xarun dhaqaale oo xooggan oo door muhiim ah ka qaadanaysa horumarka Qaaradda, marka la fiiriyo khayraadkeeda, goobta istaraatijiga ah ee ay ku taallo iyo dadkeeda halabuurka ganacsi leh.”

Madaxwwynaha ayaa sheegay in Soomaaliya ay argagixisada uga adkaan karto in la qaado cuna-qabataynta hubka ee saaran si ciidamadeennu ay u helaan hub casri ah oo ay dagaalkan kusoo afjari karaan.

“Cunaqabataynta hubka ee Qaramada Midoobay ee Soomaaliya waxaa ay xaddidaysaa awooddii aan ku heli lahayn hubka lagama-maarmaanka u ah in laga adkaado argagaxisada kuwaasi oo qaraxyo guryaha lagu sameeyay la beegsada muwaaddiniinta aan waxba galabsan iyo ganacsiyada gaarka loo leeyahay."

Sidoo kale Madaxweynaha ayaa yiri "Soomaaliya waxa ka go’an inay si buuxda masuuliyadda amnigeeda ugala wareegto AMISOM, taasina waxay u baahanaysaa ciidan qaran oo si fiican u qalabaysan si looga jawaabo halista iman karta.”

Ugu dambeyntii, Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa dul istaagay muhiimadda midnimada iyo wadajirka dalalka Afrika ay u leedahay xaqiijinta hiigsayada shucuubta Qaaradda ee u ooman horumarka, kobaca Dhaqaalaha iyo nolasha wanaagsan ee ay mudan yihiin.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected] 

 













Click here
2/10/2020 4:21 PM EST
Isniin, Feberaayo, 10, 2020 (HOL)- Tababarihii xulka qaranka Soomaaliya, Bashiru Hayford ayaa iska casilay shaqadiisa, sida ay Hiiraan Online kasoo xigatay sportsnetgh iyo vibeweeks.

2/10/2020 3:05 PM EST
Isniin, Feberaayo, 10, 2020 (HOL)- Wasiirka warfaafinta Puntland, Cali Sabarey ayaa sheegay in madaxweynaha Puntland uu ka dhammaaday dulqaadkii uu u hayay saxaafada , isagoo yidhi” Madaxweynuhu wuxuu zero ka yahay inuu xamilo qaladka warbaahinta.”

2/10/2020 5:14 AM EST
Isniin, Feberaayo, 10, 2020 (HOL)- Maxkamada sare ee Puntland ayaa berito laga sugayaa inay fuliso xukunka dil ah oo lagu ridayo raggii ka dambeeyay kufsigii iyo dilkii Caa'isha Ilyaas Aadan.

2/10/2020 4:11 AM EST
Isniin, Feberaayo, 10, 2020 (HOL)-Saraakiisha ciidamada Dowlada iyo kuwa Booliska Hirshabelle ayaa ku guulaystay in ay xaliyaan colaad in muddo ah ka taagneyd deegaano hoos yimaado degmada Matabaan.

2/10/2020 2:14 AM EST
Isniin, Feberaayo 10, 2020 (HOL )– Wefti uu hogaaminayey madaxweynaha Somaliland ayaa si diiran loogu soo dhoweeyey magaaladda Addis-ababa ee dalka Itoobiya.

2/10/2020 1:20 AM EST
Isniin, Feberaayo, 10, 2020 (HOL)- Weeraryahanno la rumeysan yahay inay yihiin Al-Shabaab ayaa Axadii gubay laba baabuur oo u rarnaa shirkado ganacsi oo marayay meel ku dhow xerada H Young & Co ee ku taal Gobolka Lamu.