4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Aug 22, 2020
Puntland oo shan sano xabsi ah ku riday haweenay ka ganacsanaysay Qamriga
 

Sabti, Agoosto 22, 2020 (HOL) - Maxkamada darajada koowaad ee gobolka Nugaal ayaa maanta xabsi shan sano ah iyo labo kun oo dollar oo ganaax lacageed ah ku riday haweenay lagu eedeeyay inay karin jirtay islamarkaana ka ganacsan jirtay maamdooriyaha qamriga ee loo yaqaan Calaqa.

Haweenaydan oo lagu magacaabo Xabiibo Cali Cismaan ayaa lagu helay dambigakadib markii maxkamada la horkeenay marqaatiyaal caddeeyay in hoygeeda lagu karinayay qamriga iyaduna gacmaha kula jirtay.

Xeer ilaaliyaha gobolka Nugaal ayaa sheegay in tiro afar jeer ah haweenaydan loo xiray falkaan, balse lasii daayay. Waxaa uu ku eedeeyay inay tahay qof halis ku ah bulshada iyo dhaqanka suuban.

Xabiibo Cali Cismaan oo 50 jir ah, waxay maxkamada ka hor beenisay inay falkaan wax lug ah ku leedahay, iyadoo sheegtay in laga been abuurtay, balse waxay qiratay in buush ay deganayd lagasoo saaray maandooriye maxkamada lagusoo bandhigay.

Guddoomiyaha maxkamada gobolka Nugaal, Sheikh Cabdinuur Jaamac xuseen ayaa markii uu dhegaystay eeda xeer ilaaliyaha iyo qareenada difaacayay eedeesanaha, wuxuu haweenaydan ku xukumay xabsi gaaraya shan sano iyo ganaax lacageed oo dhan $2,000.

Maxkamadu waxay xukumanaha siisay racfaan bil ah, haddii uusan ku qanacsanayn xukunka lagu riday.

Puntland ayaa muddooyinkii ugu dambeysay dagaal xoogan kula jirtay maandooriyaha qamriga, oo aad ugusoo badanaya magaalooyinkeeda waaweyn. Qamriga ayaa kaga yimaada dalka Ethiopia.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]