4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Aug 21, 2020
Madaxweyne Farmaajo oo magacii ka bedalay magaalada Dhuusamareeb
 

Jimco, Agoosto 21, 2020 (HOL) - Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa waxa uu magacii ka bedalay magaalada Dhuusamareeb, kadib marka sida uu sheegay uu soo jeedin badan ka helay qaar kamid ah siyaasiyiinta iyo dadka deegaanka .

Waxa uu qeexay in marka la’eego dhawaqa magaca magaalada uu ka bedalanyahay magaalooyinka kale ee Soomaaliya.

“Waxaa dhowr jeer soo jeedinta ah in magaaladan aan magaca ka bedalno iiga timid wax-garad iyo siyaasiyiin’ ayuu yiri madaxweyne Farmaajo.

Magaca cusub ee magaalada ayaa ah “SAMAREEB’ Sida uu sheegay madaxweyne Farmaajo.

Durbaba, qaar kamid ah bulshada ayaa si weyn u hadal haaysa magacaan cusub ee uu madaxweyne Farmaajo u bixiyay EX-Dhuusamareeb {Samareeb}.

Lama oga sida uu ku hir-geli doono magacaan cusub, maadaama muddo fog magaaladaas loogu wici jiray Dhuusamareeb.

Abdiaziz Ahmed Barrow, Hiiraan Online
[email protected]