4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Aug 21, 2020
Maxamuud Sayid Aadan “ Jubaland way ka tashan doontaa qodobada kasoo baxay shirkii Dhuusamareeb”
 

Jimco, Agoosto 21, 2020 (HOL) - Waxaa xalay magaalada Dhuusamareeb ku gaaray heshiis ku aaddan nooca doorashada Soomaaliya ay noqoneyso madaxweynaha dowladda faderaalka ah, hoggaamiyayaasha maamullada Galmudug, Hirshabeelle,  Koonfur galbeed iyo Duqa Caasimadda Muqdisho.

Waxaana shirkaas diiday oo aan imaan madaxweynayaasha Jubaland iyo Puntland oo ku eedeeyay madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo inuusan fulin heshiisyo horay loo galay.

Madaxweyne ku xigeenka Jubaland Maxamuud Sayid Aadan ayaa waxa uu ka hadlay ka maamul ahaan sida ay u arkaan heshiiskan aysan qeybta ka aheyn ee lagu gaaray caasimadda Galmudug, waxa uuna tilmaamay iney ka tashan doonaan ka maamul ahaan, dibna ay war usoo saari doonaan.

“heshiiska dhinacyada ay ku gaareen Dhuusamareeb waxa uu igusoo gaaray, si kedis ah, laakiin Jubaland teshi ayeey ka yeelan doontaa” ayuu Maxamuud Sayid Aaden ku yiri wareysi uu BBC Somali siiyay.

Dowlad Goboleedyada Jubaland iyo Puntland ayaa aad u saluugsan hannaanka madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu u waajahayo xaaladda kala guurka ah ee dalka.

Beesha Caalamka ayaa horay u sheegtay iney ka walaacsantahay in shirka ay ka maqnaadaan Puntalnd iyo Jubaland.

Abdiaziz Ahmed Barrow, Hiiraan Online
[email protected]