4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Aug 20, 2020
Qaramada Midoobay oo wax laga xumaado ku tilmaamtay in Puntland iyo Jubbaland ay diideen shirka Dhuusomareeb
 

Khamiis, Agoosto 20, 2020 (HOL) - Wakiilka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya, Ambassador James  Swan ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay in Puntland iyo Jubbaland ay diideen codsiyo isdaba joog ah oo ay ka heleen hoggaamiyeyaasha siyaasadeed ee Soomaaliya iyo la-hawlgalayaasha caalamiga ah, si ay shirka Dhuusomareeb ugu qeyb qaataan.

Ambassador James  Swan, ayaa hadalkaan ka sheegay xilli uu warbixin toos ah oo ku saabsan xaaladda Soomaaliya siinayay fadhiga guud ee golaha qaramada Midoobay

“Waxaan fahamsanahay inay jiraan aragtiyo kala duwan oo ka dhex jira hogaamiyaasha siyaasadeed. Si kastaba ha noqotee, xilliyadaan oo kale  waa waqti aad loogu baahan yahay hoggaamiyeyaasha qaranku in ay wada hadlaan oo ay soo bandhigaan fikradooda ugu wanaagsan si ay u helaan xalka danaha dadka Soomaaliyeed,” ayuu yidhi James Swan.

Danjiraha Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ayaa sheegay, Maaddaama aysan jirin Maxkamad Dastuuri ah iyo hay'ad garsoor oo la isku halleyn karo oo xallisa jahwareerka dastuuriga ah, in xalku u baahan yahay heshiis siyaasadeed oo sal ballaaran leh oo daneeye kasta oo Somaali ah u baahan yahay.

“Dabcan waxay ku xiran tahay saamileyda Soomaaliyeed inay go'aan ka gaaraan hannaan hagaya nidaamka doorashada. Si kastaba ha noqotee, waxaan ku boorinaynaa in tusaalaha noocan ah lagu gaaro wadahadal loo dhan yahay iyo isu tanaasul. Waa in sidoo kale lagu dhaqmaa mabaadi'da xil isku wareejinta nabdoon ee afartii sanaba mar,” ayuu yiri danjiraha UN-ka.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]