4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Aug 20, 2020
Puntland oo ku xirtay qof kasta oo safraya inuu bixiyo $68 dollar oo ah baaritaanka covid-19
 

Khamiis, Agoosto 20, 2020 (HOL) - Puntland ayaa kusoo rogtay qof kasta oo ka duulaya garoomadeeda diyaaradaha inuu bixiyo lacag dhan $68 oo lagu sheegay inay tahay shahaadada baaritaanka cudurka Covid19.

Lacagtan, Waa labo jibaarka lacag ay dowladda federalka soo roogtay shahaadada covid19. Sidoo kale Somaliland ayaa lacag intaas aad uga yar ka qaadda shacabkeeda, lacagtaas oo u udhexeysa 10-15 dollar.

Lama garanayo sababta ay Puntland shacabkeeda ugusoo rogtay lacagta intaan le’eg xilli ay shacabku horey uga cabanayeen duulimaadyada maxalliga ah iyo kuwa caalamiga ah oo ka qiimo sareeyo Soomaaliya inteeda kale.

Arrintaani ayaa aad looga cabanayaa, iyadoo eedayn dusha looga tuuray wasaaradda caafimaadka Puntland oo lagu eedeeyay inay ganacsi ka sameynayso caafimaadka bulshada iyo qalabkii covid19.

Wasaaradda caafimaadka Soomaaliya ayaa dhawaan soo saartay in lacag ka badan 30 dollar aan laga qaadi karin dadka safraya, si loo siiyo shahaadada caddaynaysa qofku inuusan qabin Covdi9.


Abdisalan Nor Dirie, Hiiraan Online
[email protected]